Mudaneyaasha Labada Gole-baarlamaanka Ee Somaliland Oo Fadhi Wada-jira Ka Yeelanaya Xil-ka-qaadistii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Hargeysa (Berberanews)-Mudanayaasha labada gole baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, ayaa maalinta beri ah fadhi wada jira ka yeelanaya ansixinta amma diidmada go’aankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) xilkii kaga qaaday Guddoomiyaha Maxkamada Sare Md. Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane) iyo sideed garsoore.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa maanta soo saaray qoraal kooban oo uu ku wargelinayo mudanayaasha baarlamaanku inay fadhi wada jira isugu yimaadaan maalinta beri ee ku taariikhaysan 21/06/2011, si ay cod gacan taag ah ku ayidaan eriga Guddoomiyaha maxkamadda amma ku diidaan, sida uu dhigayo distoorka Jamhuuriyadda Somaliland.

Qoraalkaa kooban ee wargelinta ahi waxa uu u dhignaa sidan:-

“IYadoo la raacayo Qodobka 105 fiqradiisa 3-aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

Iyadoo la tixgelinayo codsigii Madaxweynaha Somaliland uu labada gole ka dalbaday inay fadhi wada jir ah iskugu yimaadaan maalinta Salaasada ee 21/06/2011.

Waxa Mudaneyaal la idinku wargelinayaa in labada Gole ay iskugu iman doonaan fadhi wada jir ah barrito 21/06/2011 maalinta Salaasada, saacadu markay tahay 9:00 subaxnimo.

Mudaneyaasha waxa laga codsanayaa inay wakhtiga dhawraan..”

Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland