Ciidammada Saylac Oo Gacanta Ku Dhigay Booyado Shiidaal Oo Uu Dirtay Wasiirka Gacansiga Somaliland

Hargeysa (Berberanews)- – Ciidammada kastanka Saylac, ayaa gacanta ku dhigay afar booyadood oo shiidaalka Jetka diyaaradaha ka soo qaaday dalka Djibouti, kuwaasoo saddex ka mid ah uu si gaara u leeyahay Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif.
 
 
Warka booyadahan shiidaalka oo shebekadda Berberanews hore u baahisay laba maalmood ka hor  markii ay booyadahani u amba-baxeen dalka Djibouti, waxay wararka naga soo gaadhay Saylac xaqiijiyeen in xukuummadu markii ay ka war heshay mulkiyadda shiidaalka uu wasiirku dirtay ay ammar ku siisay ciidammadu inay xidhaan sadexda booyadood, halka booyadda afraadna ay leedahay shirkadda Jet oil ooh ore si ku meel gaadha loogu fasaxy keenista shiidaalka diyaaradaha, balse dib looga xannibay.
 
 
Kharashka lagu soo iibiyay shiidaalkan, ayaa la sheegay in wasiirka ganacsigu sifo sharci daro ah ugala baxay xisaabaadka haamaha shiidaalka Berbera ee uu isagu gacanta ku hayay tan iyo intii shirkaddii Total meesha ka baxday, isagoo sammaystay shirkad uu ula baxay Berbera Oil Terminal.
 
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com