Golaha Baarlamaanka Somaliland Oo Cidi Caaradeed Ku Ansixiyay Xil-ka-qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare

Hargeysa (Berberanews) –  Mudanayaasha labada gole baarlamaan [Guurtida iyo Wakiillada], ayaa maanta dirqi ku ansixiyay xil-ka-qaadistii Madaxweynuhu ku sammeeyay Guddoomiyaha Maxkammadda Sare Maxamed Xirsi Oomane.

 
Fadhi wada jira oo mudanayaashu maanta cod ugu taageen xil-ka-qaadistiisa waxa ogolaaday erigiisa 67 mudane, halka 52 kalena diideen, waxaana aamusay 10 mudane, sidaana waxa ku ansaxay go’aankii Madaxweynuhu xilka kaga qaaday, inkasta oo codadka diiday iyo kuwa ogolaaday ay aad isugu dhawyihiin.
Guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo shirguddominayey ayaa sheegay in uu u madaxweynaha Somaliland ka dalbaday in xilka laga qaaddo guddomiyaha Maxkamada sarre Maxamed Xirsi Oomane, waxa kale oo uu sheegay in madaxweynuhu hor keenay golaha go’aankii ay soo sareen Guddida ka talo bixinta fureshada ururada siyasiga ah uu golaha horyaalo.
Maalmaha soo socda ayaa loo balansanyahay in mudanayaasha Golaha Wakiilladu gudo galaan dooda gtallo-xnta gudida furashada ururada siyaasiga ee uu Madaxweynuhu iskaga riixay.