Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Shaaciyey in Maraakiib Tiro Badan Joojiyeen Isticmaalka Dekedda Berbera



Hargeysa (Jam/berberanews)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa shaaciyey in maraakiib tiro badan oo caalami ah joojiyeen isticmaalkii dekedda magaalada Berbera, kadib markii ay ka baqeen afduubyada budhcad-badeeddu kula kacaan maraakiibta.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa sida lagu baahiyey shabakadda wararka caalamiga ah ka faalloota ee Bloomberg xalay, waxa uu sheegay arrintaasi labanlaabtay qiimaha waxayabaha dibadda Somaliland kala soo degto, isagoo xusay inay beesha caalamka iskaashi kala yeelan doonaan sidii wadaxaajood looga yeelan lahaa wax-ka qabashada saamaynta budhcad-badeedda.
“Maraakiib badan ayaa joojiyey isticmaalka dekedda Berbera, kuwaas oo ka cabsi qaba inay afduub kala kulmaan kooxaha budhcad-badeedda ah. Arrintaasi waxay sababtay inuu laban laabmo qiimaha waxyaabaha Somaliland dibadaha kala soo degto, waxaanan u baahannahay in aanu iskaashi xooggan kala yeelano beesha caalamka sidii wada-xaajood looga yeelan lahaa dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha ah ee cabsida budhcad-badeeddu keentay,” ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
Waxa kaloo uu tilmaamay in Somaliland uga baahan tahay Midowga Afrika aqoonsi siyaasadeed, iskaashi iyo taageero, isaga oo xusay in Jamhuuriyadda Somaliland xidhiidh fiican la leedahay dalalka jaarka sida Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, isla markaana rajaynayaan in isfaham xooggan mustaqbalka dhow dhexmaro Somaliland iyo dalalka Midowga Afrika.
 
 
 
Jamhuuriya