Ciidammada Marines-ka Oo Gacanta Ku Dhigay Koox Falal Budhcad-badeed Ka Abaabulayay Dulleedka Berbera

Berbera-(Berberanews)- Ciidammada Marines-ka Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay koox qorsshaynaysay falal budhcad-badeed inay ka abaabulaan magaalada Berbera.

Ciidammada Marines-ka Somaliland, ayaa ku war helay laash kuwa dheereeya oo ay kooxdani doonaysay inay ku hawlgalaan uu ku soo caariday badda oo ciidanku ku warheleen islamarkaana gacanta ku dhigeen.
M jiro war rasmiya oo ciidammada baddu ka soo saareen laashka kooxdani doonayeen inay ku hawlgaan, haseyeeshee sarkaal ka tirsan ciidanka baadhitaanka, ayaa shebekadda Berberanews u xaqiijiya y jiritaanka warkan, isagoo intaa ku daray in gacanta lagu dhigay illaa affar qof oo laba ka mid ahi yihiin kooxda falkan abaabulaysay iyo aba farsamo-yaqaan oo ka caawinayay qalabka ay adeegsanayaan kuwaasoo dhammaantood u dhashay Somaliland.
 
Warku waxa uu intaa ku daray in kooxdan oo ay u dhammayd dhammaan agabkii ay u adeegsan lahaayeen hawlgalkooda fashilmay ee budhcad-badeednimo ay damacsanayeen inay ka amba-baxaan meel waqooyi-bari kaga began Berbera, balse ay fshilmeen markii uu laashkaasi Berbera kaga xummaaday oo la qabtay.