Kulan Ku Saabsan Haggaajinta Addeegyada Caafimaadka Gobolka Saaxil Oo Hay’adda Health Unlimited Ku Soo Bandhigtay Berbera



Berbera-(Berberanews)- Hay’adda Health Unlimited, ayaa magaalada Berbera ku soo bandhigtay kulan ku saabsan haggaajinta iyo qiimaynta addeegyada caafimaadka Gobolka Saaxil caafimaadka bulshada.
 
 
Kulankan oo socday muddo laba maalmood ah oo shalay lagu soo gebogebeeyay hudheelka Maanoosr waxa xidhitaankiisii ka soo qaybgalay Wasiirka Caafimaadka Xuseen Maxamed, Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Badhasaab-ku-xigeenka Saaxil Khadar Cali Cilmi, Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Cabdikariin Maxamuud Gaas iyo madax ka socotay hay’addaas oo ay ka mid yihiin yahay Liasem oo u qaabilsan xidhiidhiyaha, Madaxa mashaariicda xafiiska Hargeysa Rechief iyo Shukri Xariir oo ka mid ah saraakiisha hay’adda.
Kulankani mudadii uu socday waxa lagu lafo-guray dib  eegista caafimaadka gobolka Saaxil ee si laysu waafajiyo waxqabadka iyo baahida caafimaad ee jirta iyo sidii loo fulin lahaa.
 
Hay’adda Health Unlimited oo iyadu dhawaan la wareegtay caafimaadka gobolka Saaxil, ayaa halkaa ku soo bandhigtay qorshayaasheeda si loo helo xogaha caafimaad ee wax-ka-qabadka u baahan.
 
 
 
Waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Caafimaadka, Xuseen Maxamed (Xuseen-xoog), Madax ka tirsan Hay’adda Health Unlimited oo uu ka mid yahay Liasem oo u qaabilsan xidhiidhiyaha, Madaxa mashaariicda xafiiska Hargeysa Rechief iyo Shukri Xariir oo ka mid ah saraakiisha hay’adda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xuseen Maxamed Cabdillaahi (Xoog) oo xidhitaankii kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in ku-tallo-galka wasaaradiisu ee wax-ka-qabashada baahiyaha caafimaadka Saaxil ay dib uga dhaceen wakhtigii loo qoondeeyay oo ahaa bishii saddexaad ee aynu soo dhaafnay, haseyeeshee haatan ay bilaabeen hirgelinteeda oo ay ka shaqayn doonaan sidii loo dardar gelin lahaa.

Ka-soo-qaybgalayaasha tobabarkan, ayaa mudadii uu socday waxay qaateen casharo ay siinayeen macalimiin Soomaali iyo ajanabi isugu jirta oo khuseeya haggaajinta addeegyada caafimaadka, gaar ahaan hooyada iyo dhallaanka.

Sidoo kale, waxa iyana halkaa ka hadashay Faadummo oo ka socotay saraakiisha Hay’adda Health Unlimited oo dhawaan la sheegay inay xarun weyn oo hay’adaasi ka furatay Berbera, kaasoo ka shqayn doona daryeelka iyo haggaajinta goobaha addeegyada caafimaadka Gobolka Saaxil, gaar ahaan xarumaha hooyada iyo dhallaanka.

Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com