Maayarka Berbera oo dhagax-dhigay Garoon Kubbadeed ay ku baxayaan Boqol kun oo Doollar

Berbera(Berberanews)- Duqa magaalada Berbera Cabdalla Maxamed Carab, ayaa maanta dhagax-dhigay  Garoon cusub oo loogu talagalay in dhalinyaratu Kubbadda Cagta ku ciyaarto, kaasoo dhismihiisa laga bilaabi doono  dhinaca Bari ee magaaladaas, gaar ahaan Xaafadda Wada-jir, ayaa waxa fulinaysa dawladda hoose ee Berbera.

 

Munaasibaddaasi dhagax-dhigista dhismaha garoonka cusub, waxa ka qaybgalay qayb galay Masuuliyiinta Gobalka Saaxil, kuwa degmada Berbera, qaar ka mida dadwaynaha ku dhaqan Xafaddaas iyo sidoo kale dhalinyarta Kubbadda danaysa.   Xooghayaha fulinta ee dawladda hoose ee Berbera oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in dawlada hoose ay ku hawlanayd dhismaha garoonka cusub muddo, shalayna ay u suuragashay inay dhagax-dhigaan, kaasoo uu xusay inuu dhismihiisu bilaabmi doono maalmaha soo socda.

Sidoo kale, Isu-duwaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo xafladdaa ka hadlay ayaa sheegay in Garoonkaas iyo kuwo kaleba baahi wayn loo qabay, isla markaana ay waxtar badan u yeelan doonaan dhalinyarata reer Berbera.

 

Gebagabadii, waxa Bogcaddaa loogu talagalay garoonka Kubbadda ee cusub dhagax-dhigay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera, ahna Duqa magaaladaas, Cabdalle Maxamed Carab, oo ka war bixiyey waxyaabaha u qabsoomay sannadkan dawlad hoose ahaan oo uu sheegay inay ka mid yihiin dhisida waddooyinka halbowlayaasha ah ee magaalada Berbera.

 

Isaga oo Maayarku intaa ku daray inay dhismaha Garoonkan cusubna dawladda hoose hirgelinayso, isaga oo xusay inaanay jirin cid ka caawinaysa ama gacan dhaqaale ka siinaysa Garoonkaas. Kaasoo uu tilmaamay Maayar Cabdalle, in lacagta kubaxaysa dhismaha garoonkaas ay dhan tahay boqol kun oo Doollarka Maraykanka ah (100.000).

 

Maayarka Magaalada Berbera, waxa uu sheegay inaanay jirin meel kale oo ay lacag ka heleen, hase ahaatee, ay lacagtaasi tahay ta cashuurta ee lagaga ururiyo dadweynaha Meheradaha kala duwan ku haysta magaalada Berbera. Waxaanu intaa ku daray in dad sheeganayayey Dhulka Garoonkaa laga dhisayo, isla markaana marka hore is hortaagay dhagax-dhigiddiisa, laga soo qoro caddeymo muujinaya inaanay haysannin dhul ay degaan iyo guryo ay galaan oo kale, si marka arrintaas laga soo xaqiijiyo loo siiyo Dhul ay degaan. Isla markaana, hadalkaa Maayarka ayey dadweynihii cabanayey soo dhaweeyeen, sidaas ayaana suuragal ka dhigtay in la dhagax-dhigo goobtaa.

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.