Ruushka oo sheegay inaan xukunka Budhcad-badeedku ku xidhnayn Xukuumadda Soomaaliya

Moskow(Berberanews/The Voice of Russia)- Dalka Ruushka ayaa sheegay inaanu meesha ka saari doonin Maxkamadaynta Budhcad-badeedka Soomaalida iyadoo aanay heshiis la gaadhin Xukuumadda Soomaalida, sida Safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobay u fadhiya Vitaly Churkin sheegay shalay.

 

Sida ay qortay Jariiradda The Voice of Russia, warbixin ku saabsan dhinaca sharciga iyo habkii loo mari lahaa ka samaynta Maxkamado Budhcad-badeedka Somaliland iyo Puntland, ayaa loo gudbyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay shalay.

 

“Waa nasiib-darro sida lagu sheegay warbixintaa in xukuumada Soomaaliya iyo maamul goboleedka Soomaaliya ay ka soo horjeestaan fikradda abuuritaanka maxkamado la saaro Budhcad-badeedka.” ayuu Churkin.

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.