Shirka Nabadaynta Widh-widh Oo Si Rasmiya U Furmay, Kooxda SSC Oo Ka Soo Qaybgalay iyo Weedhaha Laga Jeediyay

Widh-widh- (Berberanews)- Shirka nabadaynta deegaannada Buuhoodle iyo Sool oo uu gogosheeda fidiyay Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta si rasmiya uga furmay deegaanka Widh-widh.
Shir-nabadeedka Widh-widh waxa ka soo qaybagaly Masuulliyiin ka tirsan xukuummadda Somalilaand, boqollaal ergooyin oo ka kala tegay Togdheer, Laascaanood, Buuhoodle iyo Hargeysa oo u badan madax-dhaqameed iyo sallaadiin.
Shirkan oo mudada dhawrka cisho ah ee uu socdo lagu lafo-guri doonaa sidii nabadayn waarta looga abuuri lahaa deegaannada Sool iyo Buuhoodle, gaar ahaan waxa shirkani xoogga saari doonaa sidii xal looga gaadhi lahaa tabashooyinka siyaasiga ah ee kooxda SSC oo ka soo qaybgalay shirka.
Wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw-Daahir oo ka mid ah masuulliyiinta xukuumadda meteleya ayaa Idaacada VOA u sheegay in shirku ku furmay jawi nabadeed oo degan oo uu socon doono mudo afar maalmood ah, wuxuuna xusay inay kasoo qaybgaleen inta baddan horjoogayaashii kooxda SCC Odayaal madaxdhaqameed, siyaasiyiin iyo aqoonyahan kasoo jeeda deegaanada Sool iyo Buuhoodle. Iyadoo dhinaca xukuumadda Somaliland ay shirkaa ka qaybgaleen wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, saraakiil ka tirsan xukuumada, xildhibaano laba gole Baarlamaan iyo madaxdhaqameed ka tegey gobolka Togdheer. “shirka waxa lagu magcaabi doonaa gudiyo labada dhinac ah, wixii halkan lagu dhamayn waayo, waxa lagula noqonayaa go’aankeeda xukuumadda sare ee Somaliland. Gudiyadana sadexda maalmood ee danbe ayaa qorshuhu yahay inay wada fadhiistaan.”
Dhinaca kale Xubnaha horjooyaasha u ahaa kooxda SCC ayaa ka soo qayglay shirkaa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Golaha Khusuusiga kooxda SCC C/risaaq Xasan Gacamay, Cisman Xaaji Cali oo dhinaca Maaliyada u qaabilsanaa kooxdaa iyo Maxamed Case oo ka mid ah saraakiisha sare ee kooxdaa, waxaana sadexdaa xubnood shalay lagu soo dhoweeyay magaalada widh-widh, iyadoo ay si toos ah uga qaybgaleen wada hadalada nabadeed ee maanta ka furmay magaalada Widh-widh , taas oo ka cadhaysiisay Ninka hada kooxdaa ku hadhay ee lagu magcaabo Col, sabareey.
Laakiin shaqsiyaad kooban oo la filayay inay ka mid noqdaan ergooyinka dhinaca buuhoodle iyo Sool ayaan shirkaa iman. Caaqil Maxamed Nuux Maxamed oo ka mid ah odayaasha deegaanka Widh Widh, isla markaana ka mid ah shaqsiyaadka ku gacansaydhay wadahadalada nabada ee shirkaasi ayaa u sheegay idaacada VOA-da in aanay ka qaybgelin shirka, balse waxa jira warar sheegaya inay xubno kooban oo uu ka mid yahay caaqilkaasi la filayo inay saacadaha soo socda ka qaybgalaan shirka Widh-widh.
Berberanews.com
Widh-widh