Diyaaradaha Maraykanka iyo Faransiiska Oo Weerar Wada Jira Ku Fuliyay Fadhiisimmo Al-shabaab Ku Leedadahay Magaalada Kismaayo iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Kismaayo-(Berberanews)- Laba diyaaradood oo haybtooda lagu sheegay inay yihiin Maraykan iyo Faransiis, ayaa xalay duqayn circa ah ka fuliyay deegaanka Qandara oo dhinaca Bari kaga began magaalada Kismaayo, halkaasoo saldhig u ah kooxda Al-shabaab.
 
Ma jiro cid si rasmiya u cadaysay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqaynta diyaaradaha dagaal ku qaadeen xerada ciidan ee Al-shabaab, haseyeeshee warar aan sugnayn, ayaa tibaaxay in ugu yaraan 15 ka mid ah malleeshiyada Al-shabaab ay ku naf waayeen, halka tiro kalena ku dhaawacmeen.


Weerarkan oo noqonayna kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee quwadaha reer Galbeedku la beegsasaan kooxda xag-jirka Al-shaab ee gacanta ku haysa meelo badan oo ka mid ah Somalia, ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay dabo-gal lagu hayay dagaalyahanno shisheeye oo gacan siinayay Al-shabaab inay goobtaas ku sugnaayeen.
 
Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ee maamulka Al-shabaab Sheekh Xasan Yacquub Cali, ayaa warbaahinta u sheegay inay iska caabiyeen weerarka diyaaraduhu ku soo qaadeen xeradooda Qandala, isagoo qiray in weerarkaasi khasaare dhaawacyo ahi ka soo gaadheen ciidammadooda, inkasta oo aanu sheegin wax dhimasho ah.
 
Berberanews.com
Kismaayo