Ku-xigeenka Kaaliyaha Africa u Qaabilsan Hay’adda USAID oo Booqasho ku Timi Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)- Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda Mucaawimooyinka Dalka Maraykanka ee USAID u qaabilsan Qaaradda Afrika, Rajakumari Jandhayala, ayaa booqasho ku timi magaalada Hargeysa ee xarunta Jamhuuriyadda Somaliland.
Boogashada Jandhayala ayaa lagu sheegay inay la xidhiidho sidii ay u qiimayn lahayd mashaariicda mucaawanooyinka ee hay’ada USAID ka fuliso Somaliland.

Masuulkani waxa ay la kulantay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo shaqaalaha USAID ee ka shaqeeya mashaariicda hay’addu Somaliland ka wado, kuwaas oo ay ka mid yihiin kobcinta dhaqaalaha, barnaamujyadda wacyigalinta ah ee laga sii daayo raadiyaha iyo barnaamuj dhaqaale loogu abuurayo dhalinyaradda. Waxay sidoo kale uu ay la kulantay qaar ka tirsan ganacsatadda. Waxaanay booqatay xarunta wax-barashadda ee ay hay’adda USAID gacanta ka gaysato ee Maxamuud Mooge Learning Centre.
“Aad baan ugu faraxsanahay inaan arko waxa ay dadka reer Somaliland iyo hay’adda USAID ay wada qabteen. Taageeradda laga gaysanayo dhinacyadda kobcinta dhaqaalaha, waxbarashadda iyo kor-u-qaadida xirfadaha dhallinyaraddu waa waxa runtii si dhab ah u taabanaya nolosha dadka, waana arrinta ay hay’adda USAID u abuuran tahayba. Waxaan rajaynayaa inaan arko wajiga labaad ee kan xiga ee ku saabsan barnaamujyada aanu gacanta ka gaysanayno ee kuwan la xidhiidha,” ayey tidhi Rajakumari Jandhayala oo safarkeeda warbaahinta uga waramaysay.
Sannadkii 2011 kii, waxay hay’adda USAID ay ku bixisay lacag gaadhaysa 20 milyan oo Doolar hawlaha la xidhiidha taageeradda dhinaca horumarinta ee la xidhiidha dhinacyadda, dhismaha dawladnimo, waxbarashadda, dhaqaale u abuurida dhalinyaradda, kobcinta dhaqaalaha iyo ilaalinta nabadgalyadda.