Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Wasaaradda Ganacsigu Bilowday Ka Ganacsiga Shidaalka Diyaaradaha

“..Muran Iyo War La’aan Dhex Martay Wasaarada Maaliyada Iyo Wasaarada Ganacsiga ayaa Keentay In Booyado Aanu Ku Soo Dhaansanay Gaasta Diyaaradaha Oo Ka Yimi Jabuuti  Lagu Xanibo Kastamka Seylac…” – Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka

Berbera- (Berbera News) – Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka ee Magaalada Berbera Dr. Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine) ayaa shaaca ka qaaday in
Wasaaradda Ganacsiga JSL bilowday  ka ganacsiga Shidaalka gaar ahaan Gaasta Diyaaraduhu isticmaalaan ee loo yaqaan Jet A1 isla markaana ay shixnadii kowaad ee kamid ah Shidaalka Ganacsi  ee
Wasaaradduna uu soo gaadhay Haamaha Kaydka shidaalka ee Berbera.
sidaana waxa uu Maareeyaha Haamahu ku sheegay shirjaraa’id oo ay maalintii shalay ku qabteen Xafiiskiisa isagaiyo Xubno kamid ah Masuuliyiinta uga hoosaysa Maamulka Haamaha Kaydka shidaalka ee Magaalada Berbera, waa sida ay habeenkii xalay baahiyeen qaar kamid ah Warbaahinta dalku oo uu kamid yahay Telefishanka SLNTV
ee ay Maamusho Wasaardda Warfaafinta Somaliland.
Arintan layaabka leh ee uu ka dhwaajiyey Maareeyaha Haamaha kaydka shidaalka een Magaalada Berbera ayaa waxa ay fajac iyo layaab ku noqotay Bulshada Reer Somaliland Intii Daawanaysay habeenkii xalay Warkaas  shaagaya in Wasaaradda Ganacsigu Haamaha ku shubtay Shidaal ganacsi oo ay ugu talo gashay in ay ka iibiso Diyaaradaha yimaadda Madaarka Berbera, halka intii uun warwarkeed ku ahaa ee uu gaadhayna ay lahayd waa war loo noqon, Wasaaradda Ganacsigu iyada ayaa Bixisa Ruqsadda Ganacsi ee Tolow iyadana yaa siiyey Liisanka ay ku baayacmushtareynayso? iyo isweydiimo kale oo badan oo lamid ah.
Maareeyaha Haamaha kaydka Shidaalka oo ugu horayn shiraasi jaraaid ku beeniyey war ay  hore u daabacday shebekadda Berberanbews oo ku heshay taariikooyinka gaadiidka shiidaalka u doonay Djibouti  kuwaas  sheegayay in Wasiirka Ganacsiga JSL bilaabay ka ganacsiga Gaasta Diyaaradaha, isaga oo maareeyuhu arintaas Beeninaya isla markaana cadaynaya  in ay Wasaaradda Ganacsigu Jabuuti ka keentay Shidaalka diyaaradaha oo ay Doonayso Wasaaradda ganacsigu in ay ka iibiso Diyaaradaha yimaadda Madaarka Berbera, isaga oo  welibana maareeyaha Haamuhu Daaha ka faydaya  wada socod la’aanta Wasaaradaha Xukuumada Siilaanyona Waxa uu yidhi   ”Anaga oo aan jecleyn in aanu Warbaahinta ka
hadalo hadana waxa manta nagu kalifay in aanu shirkaygan Jaraa,id qabano sidii aanu tibaax yar uga bixin laheyn xaalada haamaha mudadaa yare ee aanu gacanta ku hanay iyo warar been abuura oo Ayaamahan danbe ku qornaa saxaafada maxaliga ah wararkaas oo sheegayay in Wasiirka Wasaarad Ganacsiga iyo warshaduhubilaabay keenista Gaasta ay diyaraduhu isticmaalan oo uu isagu ka ganacsanayo
warkaas oo aanay waxba Ka jirin waxa keenayna uu ahaa muran iyo war la,aan dhex martay Wasaarada Maaliyada iyo Wasaarada Ganacsiga taas oo keentay in booyado aanu ku soo Dhaansanay gaastaa diyaaradaha oo ka yimi Jabuuti in lagu xanibokastamka Seylac sababta ugu weynina waxay aheyd Maaliyada oo aan warba ka hayn
in shiidaalkani yahay Shiidalkii ay diratay Wasaarada ganacsigu ee gacanta ku
haysa haamaha keydka shiidaalku lana doonayay in laga iibiyo Diyaaradaha hore macaamilka ula la lahaa haamaha shiidaalka ee Berbera Dawladuna si bay wax u wada wadaa laakiin waa lays qabsan karaa oo khaladku wuu iman karaa waana la saxaa,hawshaasi way dhamaatay shiidaalkiina wuu noo yimi oo waanu shubnay haamaha ayuu ku jiraa Shirkadi hore u maamauleysay haamuhuna (Total Mere Rouge) iyada ayaa shiidaalka diyaaradaha keeni jirtay imikana waxa Haamaha Keydka shiidaalka
Berbera gacanta ku haysa Dawlada Dawladaana shiidaalkaa Diyaaradaha keenaysa” ayuu yidhi Maareeyaha Haamuhu isaga oo intaasi ku daray in aanay keeni Karin Cid aan Xukuumada ahayni  “Qof Shiciba oo keeni karaana ma jiro” ayuu yidhi Mareeye Shiine isaga oo weli sii wata
Hadalkiisana waxa uu intaasi raaciyey,  “sababta oo ah shiidaalka Diyaaraduhu lama mid aha shiidaalada Gaadiidka kale waana
xaasaasi waxa lagu shubayaa Diyaaarado Ajaanib ah oo hawada maraya wixii
dhibaato ka timaadana Lama weydiin karo qof shiciba oo waxa masuuliyadaa gaasta diyaaradaha qaadi karta dawlada oo kaliya sidaas daraadeed ayay Wasaaradu ugu dirtay Gaasta Diyaaradaha Haamaha shiidaalka ee Berbera waxaanan leeyahay qolyaha Saxaafada ee warkaa qoray in ay cida hawshaa masuuliyadeeda leh weydiiyaan inta aanay warkooda Qorin oo ay nala soo xidhiidhan anagaa warka oo sugan siin laheyne”.  ayuu yidhi Maareeyaha haamaha kaydka shidaalku.
Talaabadan Wasaardda Ganacsiga  ayaa ah mid ugub ku ah nidaamka Siyaasadeed ee Somaliland isla markaana aanay meelna kaga xusnayn  Madaxyada iyo madax-xigeenada (Head or Sub-heads) lagu qabto Dakhliga Dowlada  iyo Miisaaniyada Wadanka oo sida laga war qabo ku kooban Cashuurta ay xukuumadu ka qaado ganacsiga shacbiga, waana fadeedax in
Wasaaradda Ganacsiga ee bixisa Ruqsadaha Ganacsiga ay hadana kamid noqoto shirkadaha ganacsi.