Maxkamad Ku Taal Denmark Oo Hal Sanno Ugu Kordhisay Xukunka Muwaadin Soomaaliyeed Oo Isku Dayay Inuu Qudha Ka Jaro Nin Nebi Maxamed Wax Ka Sheegay


COPENHAGEN- (Berberanews)- Maxkamadda Rafcaanka dalka Denmark, ayaa arbacadii todobaadkan hal sanno oo xadhiga ah ugu kordhisay muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisu yahay Muxiyadiin Cumar Maxamed Geelle oo maxkamad dalkaas ku taalaa hore ugu riday sagaal sanno, ka dib markii lagu eedeeyay isku-day dil oo uu la beegsaday nin sawir-gacmeed ku aflagaadeeyay Nebi Maxamed (CSW).
 
Muxiyadiin Cumar Maxamed Geelle oo ah muwaadin Soomaaliyeed, da’diisuna tahay 30 jir ayaa lagu xukumay bishii February ee sanadkan sagaal sanno oo xadhig ah, ka dib markii uu isagoo faash ku hubaysan u dhacay guri uu deganyahay kartooniiste Danish ah Kurt Westergaard oo sannadkii 2010 sammeeyay sawir-gacmeed uu ku af-lagaadeeyay Nebigeenni suubanaa, taasoo ka cadhaysiisay dadyow badan oo dalalka Islaamka ku dhaqan.
Isku-dayga dil ee uu ku kacay Maxamed Geelle muu noqon mid guulaystay, ka dib markii Kartoonistuhu wargeliyay booliska oo lug ka toogtay, isagoo aan ku guulaysan qorshihiisii, gacantana lagu dhigay.
 
“Arrintani waa su’aal ka taagnayd cabsi-gelin isku-day dil “ Garyaqaan Kirsten Dyrman ayaa sidaa yidhi oo ah xaakinka xukumaya Geelle, waxaannu intaa ku daray “Waa xukun aad u adag oo dembigeeduna adagyahay.” Ayuu yidhi xaakinka maxkamadda rafcaanka ee Western High Court.
 
Qareen Niels Christian Strauss oo difaacayay Muxiyadiin, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay xukunka loo kordhiyay muwaadinka Soomaaliyeed, isagoo sheegay inuu rafcaan ka qaadan doono maxkamadda ugu saraysay dalka Denmark.
 
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com