Badhasaabka Awdal oo ka hadlay 80 nin oo la sheegay inay Al-shabaab yihiin oo lagu Xidhay Boorame

Boorame(Berberanews)- Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabdalle, ayaa markii ugu horreysay maant ka hadlay 80 dhalinyaro ah oo la sheegay inay Al-Shabaab ka tirsanaayeen oo mid ka mida Wargeysyadu baahiyey Khamiistii in lagu xidhxidhay magaalada Boorama.

Badhasaabka gobolka Awdal oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama, waxa uu ku dooday in warka sheegaya in Rag Al-Shabaab ka tirsan ama xidhiidh la leh lagu xidhxidhay Xabsiga dhexe ee magaalada Boorama, kaasoo uu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo waxba kama jiraan ah, isla markaana laga been abuuray.

 

“Waxaan maanta (shalay) ka jawaabayaa war Khamiistii ku soo baxay Wargeyska Waaheen oo sheegayay inay 80 nin oo Al-shabaab ah lagu xidhay Saldhigga dhexe ee Booliiska Boorame. Warkaasi oo been-abuur ahaa waxa looga fadhiyaa inay caddeeyaan Wargeyska Waaheen oo noo sheegay inay ka soo xigteen Website.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabdalle.

 

Sidoo kale, Wakiilka Wargeyska Waaheen ee gobolka Awdal Cali Ismaaciil Aare, ayaa sheegay inaanu isagu warkaasi ka dirin gobolka Awdal waxaanu tilmaamay in wargeysku meel kale ka soo xigtay. “Website ayaa laga soo xigtay warkaasi, hase yeeshee, ma aha war aan anigu ka diray magaalada Boorame wax shaqo ahna kuma lihi,”ayuu yidhi Wakiilka Wargeyskaasi u fadhiya Boorama.

 

Bulsho-weynta ku dhaqan magaalo-madaxda Gobolka Awdal ee Boorame, ayaa dareen cadho leh ka muujiyey sida warkaas loo faafiyey iyada oo wax ka run ahi aanu jirin, kuwaasoo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ama shalay iyo maanta si weyn ugaga sheekaysanayey dadku goobaha la isugu yimaaddo ee Boorama, muujinayeyna inay wax laga xumaado tahay arrinta ku saabsan Niman boqol ku dhaw oo Argagixiso ah oo magaaladooda lagu xidhxidhay, iyada oo warkaasi ujeeddadiisa uu qofba qof weydiinayey iyo waxa looga jeedo in la been-abuuro war sidaa u culus.

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.