La-dagaallanka Musuqmaasuqa Ee Hanti-dhawrku Ma Mid Masuulliyiinta Dawladaha Hoose Oo Keliya Ku Kooban Baa? Maxaa Xigi Doona?


Falanqaynta Todobaadka
Hargeysa- (Berberanews)-La-dagaalanka musuqmaasuqa, luunsiga hantida ummadda, addeegsiga shaadhka dawladnimmo iyo eexdu waxay ka mid ahaayeen ballanqaadyadii Madaxweyne Silaanyo sammeeyay inuu wax ka qabanayo markii uu tartanka ku jiray.
 
Tiro yar oo ka mid ah saraakiisha dawladaha hoose ayaa la qabtay oo xatooyo ay galeen lagu xukumay, hadaba waamaxay sababta Hanti-dhawraha guud shaqadiisu ugu koobnaatay dawladaha hoose oo keliya? Taa macnaheedu ma waxay ka dhigantahay inaanay jirin cid kale oo ku lug leh musuqmaasuq? Haddii ay sidaa tahay, waa maxay sababta masuulliyiin ka tirsan Golaha wasiiradda ay uga soo hor jeesteen qabashada saraakiil ka tirsan dawladda hoose ee Hargeysa? Runtu ma waxa weeye Xoghayaha Dawladda Hoose dembi ma leh ee waa laga shakiyay? Ma nin aan la taaban Karin baa? Ma waxbaa iska bedelay qorshaha la-dagaalanka musuqmaasuqa? Ma Hanti-dhawaha Guud baa wado qaldan maraya? Maxaa xigi doona
Maxaa Xigi Doona?
Waa barnaamij Todobaadle ah oo shebekadda Berberanews ugu tallogashay akhristayaasheedu inay fursad u helaan hadba marxallada taagan inaaanu ku falanqayno iyo saamaynta ka iman karta,  idinkuna aad nasiib u heshaan inaad fikirkiina ka dhiibataan..
Maamulka Berberanews ma ogolaan doono daabaacadaa fikrdaha ay ka muuqato qabyaalada, cunsuriyadda, cayda, iyo nacaybku toona.
 
 
Email, info@berberanews.com
Amma editor@berberanews.com