Madaxweynaha Somaliland Oo Boqollaal Dadweynaha Hargeysa Ku Dhaqan Kula Tukaday Masaajid Bariga Magaalada Ku Yaal, Booqashona Ku Tegay Xarunta Agoomaha

Hargeysa(Berberanews)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta salaadii Jimcaha boqolaal qof kula tukaday   masjidka tabliiqiyiinta ee Bariga magaalada Hargeysa, kadibna booqday xarunta Agoomaha ee duleedka Xaafada Jig-jiga yar, isagoo mid mid u galay dhismaha ay ku jiraan caruurta lagu hayo halkaa.
Madaxweynaha Somaliland oo ilaalo koobani la socotay waxa uu saarnaa gaadhi gaar ah
waxaana weheliyay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayihiisa gaarka ah Cali Maxamed Cali, wuxuuna markii uu ku tukuday salaadii jimcaha Masaajidkaa barxada dibada ku salaamay oo ku soo ururiyay qaar ka mid ah dadweynihii ku tukunayay masaajidka tabliiqiyiinta, kuwaasi oo ku bogaadiyay booqashadiisa masaajidkan oo ahayd mid aan laga war qabin, isla markaana aan hore loo shaacin.
Madaxweyne Siilaanyo  waxa uu markii uu ka yimi Masaajidkaas intii aanu ku laaban qasriga Madaxtooyada soo maray jidka wadnaha ee magaalada Hargeysa waxaanu isagoo gaadhiga saaran daawanayay dhadhaqaaqa suuqa weyn ee Hargeysa, balse inta baddan maalinta Jimcaha aan hawlo ganacsi ka socon.
Md. Axmed Siilaanyo waxa uu kormeer ku tagay xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu la kulmay carruurta ku jirta xaruntaasi oo xiligaasi qadaysay, iyadoo ay kusoo  urureen Madaxweynaha carruurta ku jirta xarunta, isla markaana  ay  Madaxweynaha  uga warameen nolashooda iyo xaalada duruufaha ay ku sugan yihiin.
Madaxweynuhu waxa uu indho indheeyay qolalka ay carruurta agoomaha Hargeysa seexdaan, waxaanu dul tagay wiil yar oo labaatan habeen jiray oo la keenay xaruntaasi markii laga soo qaaday goob lagu tuuray oo ku taalla magaalada Hargeysa. Waxaanu u duceeyay ilmahaasi yar iyo carruurta ku jirta xaruntanba.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland