Wallaac Xoog Leh Oo Qaramada Midoobey Ka Muujisay Tirada Qaxoontiga Soomaalida ah ee bishii u dambaysay Barakacay oo halkii ugu sarreysay gaadhay

Nairobi(Berberanews)- Warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Qaxoontiga ee UNHCR,  ayaa lagu  muujiyey walaaca ay hay’addu ka qabto , sii korodhka kumannaan Qaxooti Soomaali ah oo cararaya dagaallada ka taagan koonfurta waddanka Soomaaliya.

 

Warbixinta oo ay Hay’adda UNHCR, ka soo saartay shalay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa lagu sheegay  in labadii toddobaad ee u dambeeyey ay gaadheen Xeryaha Qaxoontiga ee Dhadhaab , qaxoonti kor u dhaafaya 20,000, taasoo ay hay’addu ku tilmaantay inay tahay sare u kac wayn oo ku yimi dadkii Xeryahaya gaadhi jiray, iyadoo ay Hay’addu ku sheegtay in taasi ay muujinayso xaaladda kasii daraysa ee dalka Soomaaliya ka taagan.

 

UNHCR , waxay sheegtay in dadka la diwaangaliyay  ee kor u dhaafaya laabatanka kun ee qof ay ka yimaaddeen intooda badan Gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaanna deegaannada ku teedsan degmada Dhoobley. Waxaana lagu sheegay warbixinta in dadka qaar ka mid ah ay xaaladdooda nololeed tahay mid aad u liidata, kadib markii ay lug ku tageen Xeryahaya qaxoontiga, isla markaan ay soo foodsaareen Macaluul iyo Xanuunno kala duwan.

 

Bishaan gudaheeda, waxaa lagu tilmaamay in dadka sida rasmiga ah u diwaangashan ee Xerada qaxoontiga Dhadhaab ku sugani ay gaardhay 360,000 oo qof, iyadoo laga soo bilaabo sannaddii 2008 ilaa haatan dadkii  gaadhay aanay jirin deegaammo cusub oo loo sameeyey, balse ay ku kor noolyihiin dadkii hore u sii degganaa halkaasi.

 

Dhadhaab oo lagu tilmaamay Xerada qaxootiga ee caalamka ugu wayn, ayaa hooy u ah kumannaan Soomaali ah, oo miciin biday halkaasi, kadib markii ay nabad ku waayeen dalkooda. Warbixinta ugu dambeysay ee UNHCR ay soo saartay, waxa kale oo daboolka ka qaadday inay jiraan 1.46 million oo  Soomaali ah, kuwaasoo dalka gudihiisa ku barakacay.

 

Sidoo kale, Warbixinta UNHCR oo si wayn uga deyrisay xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed  ee ku nool Xerada Dhadhaab  iyo kuwa dalka gudihiisa ku barakacay, ayaa imaanaysa xilli dhinacyada Soomaaliya ku dagaallamayaa ay u tafa-xaydanayaan dagaallo hor leh, taasoo sii horseedaysa Barakac cusub oo sii buux-dhaafin kara Xerada  qaxootiga ee Dhadhaab.

 

Si kastaba, ahaatee, dadka Soomaalida ah ayaa dhawr iyo labaatankii sano ee u dambeeyey qaxoonti ahaan ugu qulqulayey dalalka dunida, isla markaana marba marka ka dambaysa ayaa tiradoodu iyo dhibaatadoodu sii kordhaysaa, iyada oo muddada intaa le’eg Soomaaliya dagaallo bani ka socdeen.

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.