Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Rasaas Iyo Waxyaabo La Doonayay In Hawlgalo Ka Dhan Ah Amniga Lagaga Fuliyo Dalka

Hargeysa-(Berberanews)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa maanta ku soo bandhigay xafiiskiisa rasaas, qoryo iyo bilaydhada taarikada baabuurta oo Ciidanka Boolisku ku soo qabteen guri ku yaala xaafada New Hargeysa ee Bariga magaalada Hargeysa.
 
Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu sheegay in walxahan ay qabteen ay iskugu jiraan rasaas tiro badan, Lambarada Baabuurta ee Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland, waxaanu tilmaamay in lambaraddaa gaadiidka ee ay soo qabteen ay ka turjumayaan  in dadka hubkaa sitay ay ka yimaadeen wadanka Soomaaliya ee qalalaasaha siyasaadeed iyo dagaaladu  hadheeyeen labaatankii sannadood ee u danbeeyay.
Taliyuhu waxa uu sheegay inay ciidanka Boolisku ku dabo jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dadkii hubkan iyo rasaastaasi sitay oo uu tilmaamay inay ahaayeen cadowga Somaliland.
Gen. Maxamed Saqadhi Dubad, waxa kale oo uu tilmaamay in maalmihii la soo dhaafay ay ciidanka Boolisku ay wax weyn ka qabteen dhalinyarada dhaqanxumada ka shaqaysa suuqyada magaalada Hargeysa ee waaheen iyo  gobanimo, kuwaas oo sida uu sheegay  haweenka jiid jiita marka ay ka dukaansanayaan suuqayadaa.
 
 
Araweelo