Madaxweynaha Somaliland Oo Hambalyo U Diray Bulshada Somaliland Xuska Munaasibadda Sanad-Guurada 51-Aad Ee Ka Soo Wareegtay Maalintii Somaliland Xoriyada Ka Qaadatay Gumaystihii Ingiriiska 26 June 1960


Hargeysa, June 26, 2011, (Berberanews) – Madaxweynaha Somaliland Mudane
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hambalyo u diray dhamaan shacbiga Reer somaliland
meelkasta oo ay joogaanba,  Xuska
Munaasibadda Sanad guurada 51-aad ee ka soo wareegtay  markii ay Somaliland madaxbanaanideeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960-kii taas oo ay u dabaaldegayaan
maanta Bulshada Somaliland Meelkasta oo ay Aduunka ka joogaan, sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, isaga oo warsaxaafdeedkaasi dhamaystirana waxa uu u dhiganaa sidan;

Madaxweynaha JSL, Mudane
Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) Isaga oo ku hadlaaya Magaciisa iyo Ka Qaranka
Somalilandba waxa uu Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Dhamaanba Shacbiga Reer
Somaliland Meel kasta oo ay joogaanba, Dalka Gudihiisa iyo Debadiisaba, Xuska,
Munaasibada Sannad Guurada 51-aad ee ka soo Wareegtay 26-June-1960 oo ah
Maalintiii ay Somaliland Madaxbanaanideeda ka qaadatay Mastucmaradii
Boqortooyada Ingiriiska Uk.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu Shacbigiisa reer Somaliland u rajaynayaa inay
Sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan nabad,guul iyo Barwaaqo, waxaanu ugu baaqayaa
in ay dhan uga soo wada jeedaan adkaynta nabad-gelyada iyo qaranimada
Somaliland isaga oo ku ammaanaya sida ay markasta heeganka ugu yihiin ilaalinta
iyo difaaca Qarannimada Somalialnd.”
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir
( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.