Masuuliyiinta Saaxil Oo Shacbiga Ku Hanbalyeeyay Munaasibada Kasoo Wareegtay sannad guuradii 51aad Ee Xoriyada Somaliland

Berbera(Berberanews)-Badhasaabka Gobolka Saaxil  Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Maayarka magaalada  Berbera  Cabdale maxamed  Carab Iyo Maareeyaha Dekedda Caalamiga ah ee Berbera  Axmed Yuusuf Dirir ayaa si wada jir ah shacbiga ugu hanbalyeeyay munaasibada
sannad guurada 51aad ee kasoo wareegtay markii ay shacbiga Somaliland xoriyadooda ka qaateen Mustacmaradii Boqortooyadii Britain 26 Jun 1960-kii.
maalinta qiimaha baddan ee 26 Jun oo ku beegan maalinta beri ah, waxayna  masuuliyiinta Berbera  shacbiga u rajayeen inay sanadka sanadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, iyagoo dhinaca kalena sheegay in munaasibada xuskeeda la qabandoono habeenimada Isniinta.
Badhasaabka Saaxil Mr. Ramaax waxa uu shacbiga gobolka usoo jeediyay inay ka shaqeeyaan horumarka iyo nabada, isla markaana iska ilaaliyaan wax kasta oo wiiqaya nabadgelyada iyo wada jirka, taas oo uu sheegay inay tahay ta keliya ee lagu gaadhi karo horumar.