Nuxurka go’aanno lagu kala sexeexday Shir-nabadeed ka socday Widh-widh oo maanta la soo geba-gabeeyey


Widh-widh(Berberanews)- Siddeed qodob oo ka soo baxay Shir-nabadeed illaa Arbacadii toddobaadkii horeka socday magaalada Widhwidh ayey kala sexeexdeen Xukuumadda Somaliland, Ergooyinka Beelaha Dhulbahante iyo Garabka Kooxda la baxday SSC ee hubaysan.
Shirkaas maanta lagu soo geba-gabeeyey magaalada Wiwdh-widh, waxa lagu kala saxeexday heshiis hor dhac ah oo ka kooban 8 Qodob, si loogu gudbo Wejiga labaad ee wadahadallada shirweynaha nabadeynta.
Heshiiskaas hordhaca ah waxa u saxeexay dhinaca Xukuumadda Somaliland Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahi Cali, ahna madaxa Weftiga Xukuumadda u metalaya wadahadallada shir nabadeedka Widh-widh.
Dhinaca SSC waxa u saxeexay Guddoomiyaha Golaha Khusuusiga Cabdirisaaq Xasan Ismaaciil, waxa kale oo isna wax ka saxeexay Madaxa shir-nabadeedka Keyse Cabdi Yuusuf iyo laba Xildhibaan oo ka kala socday Golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland, kuwaas oo kala ah Md. Maxamed Axmed Barre (Garaad) oo ka socday Aqalka Odayaasha iyo Md. Maxamed Faarax Qabille oo ka socday Golaha Wakiillada ee Somaliland.
Qoraalka qodobbada lagu heshiiyey ee ay maanta dhinacyadaasi ku
sexeexeen Xidhitaanka Shirkii Widhwidh, ayaa waxay u dhignaayeen
sidan:- “1- Shirweynaha Nabadda waxa la isla gartay Nabad iyo midnimo
waarta oo dhex marta SSC, Dhulbahante iyo dawlada Somaliland.
2- Shirka Nabadda ee Guuleed waxa la isla qaatay awood qaybsi
siyaasadeed iyo wada tashi buuxa, waxaana lagu soo qabyo tirayaa
wareega dambe ee wada hadalada shirka.
3- Shirka Nabada ee Guuleed waxa la isla qaatay in wixii ku saabsan
arrimo ciidan in looga wada hadlo si hoose gaar ahaan Madaxweynaha
Somaliland iyo Guddida gaarka ah ee shirka Widh-widh.
4- Shirka nabadda waxa la isla gartay in la sii daayo maxaabiista
dagaal ee SSC isla markaana maxaabiista kale ee loo haysto dambiyada
gaarka ah la horkeeno Garsoor lagu wada kalsoon yahay sida ugu
dhakhsaha badan.
5- Shirka waxa la isla qaatay in la joojiyo dhul qodista iyo dhul
durugsiga aan la ogolayn.
6- Shirku wuxuu ku baaqayaa in la xaliyo shaqaaqadii iyo dhibaatadii
ka dhacday Kalshaalle.
7- Shirka Nabadda ee Widh-widh waxa la isla qaatay in ahmiyad weyn la
siiyo deegaamada Dhulbahante oo dib u dhac badani ka muuqdo si loo
gaadhsiiyo gobolada kale ee dalka, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada,
caafimaadka,biyaha iyo wixii la mid ah.
8- Shirka Nabada waxa la isla qaatay in si kama dambays ah loo qaato
gogol nabadeed oo ay ka soo qeyb galaan SSC iyo dhulbahante inta
shirka ka maqani.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.