Maareeyaha Shirkadda Daabacaada Xayaysiisyada Ee Sagal Jet Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Addeegyada Ay Qabtaan


Hargeysa-(Berberanews)- Maareeyaha shirkadda daabacaadda boodhadhka xayaysiisyada Sagal Jet Cabdi Yusuf, ayaa weriye Berberanews ka tirsan oo xafiiskiisa ku booqday  faahfaahin ka siiyay addeegyada ay bulshada u qabtaan.
 
Maareeye Cabdi Yuusuf Aar waxa u sheegay in shirkadda Sagal jet oo ah shirkaddii u horaysay ee nooceeda laga furo Somaliland sannadkii 2007 ay shacabka Somaliland iyo ganacsatadaba u sahashay inay u keento adeegan sammaynta boodhadhka casriga ah oo markii hore ay debeda u doonan jireen, isagoo arrintaa hadlayana waxa uu yidhi, “Shirkadda daabacaadda Sagal jet oo ah shirkaddii u horraysay ee Somaliland laga hirgeliyo nooceeda waxa la aas-aasay sannadkii 2007, waxaanu qabanaa.”

Maareeye Cabdi waxa uu intaa raaciyay oo yidhi, “Hawl baaxad leh oo dadka tacab iyo lacag badani kaga baxaan inay debedaha u doontaan addeegan oo aan markii hore dalka ka jirin, ayaannu ka furanay oo dalka ka hirgelinay, iyaguna nasiib u heleen inay hoygooda ka helaan.”

Maareeyuhu waxa uu tilmaamay inay bilic ku soo kordhiyeen guud ahaanba muuqaalka magaalooyinka waaweyn ee Somaliland,“Shirkaddu magallooyinka Somaliland ku soo kordhisay bilic aad u weyn oo aad arkaysaan boodhadh waaweyn oo ka taagan hareeraha waddooyinka amma wajadda hore ee meheradaha ganacsiga oo muqaalkoodu qurxux badanyahay.” Ayuu yidhi Cabdi Yusuf.

Waxaannu sammaynaa Boodhadhka calaamadaha, loogooyinka shirkadaha, qurxinta gaadiidka, maababka, kaadhadhka salaamaha, kaalandarada taariikhda, teelooyinka ganacsiga , barashuurada, Barashuurada iyo kuwo kale oo badan.”

Maareeyaha Shirkadda Sagal waxa uu intaa raaciyay inay shirkaddoodu qayb weyn ka qaadatay sammaynta boodhadhka xusaska dabaaldegyada maalmaha qarannimada Somalland sida sida 18ka May iyo 26 June, waxaannu ballanqaaday inay sii wadi doonaan horumarinta shaqada ay bulshada u sahleen.


Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland