Madaxweynaha Soomaaliya oo markii ugu horreysay Somaliland ka raalli-geliyey qaladaad dhacay

Muqdisho(Berberanews)- Madaxweynaha dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Sh. Shariif  Sheekh Axmed, ayaa markii ugu horreysay ku baaqay midnimo ay raalli ka tahay Jamuuriyadda Somaliland oo aan ku iman si khasab ah.

 

Madaxweyne Shariif oo ka hadlay Munaasibad loogu dabbaal-degayey 51-guurada ka soo wareegtay markii Calan Soomaaliyeed oo taagan dunida lagu arko 26 June 1960-Kii, taasoo ku buuxday 26 June 2011. Markaas oo ay Somaliland ka qaatay xornimada gumaystii Ingiriiska, ayaa habeen hore lagu qabtay xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka warbixiyey qiimaha  26-june ay u leedahay ummadda Soomaaliyeed isaga oo arrinta ka hadlayaan waxa uu yidhi; “Caawa waa habeen farxadeed oo inna xasuusinaya taariikh macno leh oo ay ummadda Soomaaliyeed leedahay. Taynu isugu nimidna ay tahay inaynu is xasuusinno taariikhda wanaagsan inaynu xasuusanno dadkii Soomaaliyeed Wiilal iyo Gabdhaba taariikhda ay sameeyeen aynu wada xasuusanno. Ujeeddada aynu u xasuusanaynaa maaha inaynu isku sheegeenno oo aynu ku kala tagno, waxaynu rabnaa inaynu taariikhdaas oo kale samayno oo aynu ka wada qaybqaadanno. Haddii ay shalay gumaysi iyo dhibaato jirtay haddana dhibaato iyo gumaysi ayaa jira. Taariikhda aynu u dabbal-degayno iyo xorriyadda aynu u dabbal-degayno dadbaa ku bixiyey Dhiiggoodii, Dhididkoodii, Maskaxdoodii iyo Xoolahoodii. Annaguna waa inaynu maanta ku bixinnaa Dhiiggeenna iyo Xoolaheenna oo aynu dalka gaadhsiinno mustaqbal. Wax kasta oo qof Soomaali ahi ku noolaan karo nabadgelyo, xorriyad iyo sharaf.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay shacabka ku dhaqan gobollada Waqooyiga ay ku dedaalayaan qaabkii ay midnimo uga raadinayaan.Isaga oo dhinaca kalana xusay inay raalligalin ka bixinayaan wixii qaladaada ee ay tirsanayaan shacabka ku dhaqan Somaliland, waxaanu yidhi; “Odayaashii, Dhalinyaradii iyo Haweenkii ka shaqeeyay xorriyadaasi waxa hoggaaminayey waxa uu ah dareen Soomaalinnimo oo run ah, waxa hoggaaminayey dareen Qabiileed taasayna ku garteen inay la dhammaystiraan walaalahooda koonfureed xorriyadda lana midoobaan. Waxaan hubaa dadka maanta joogaa garaadkaas iyo aqoonta iyo waddaniyaddaas inay leeyihiin. Laakiin, dhacdooyin fara badan oo dhacay xilligii la soo dhaafay inay keeneen Walaaleenna Waqooyi inay ku fikiraan si ka duwan sida ay Odayaashoodu u fikireen. Laakiin haddana waxaanu shaki ku jirin dareenka midnimadu inuu mar walba taagan yahay, loona baahan yahay dhammaanteen inaan u anba qaadno midnimada. Waxaad nagu ogaatan haddii aan midnimadii la helin in gobol kasta oo dhalanaayaa uu yidhaahdo waxaan ahay gobol qudha. Taasina waxay Soomaaliya ku tahay Dhabar-jab iyo dhaawac wayn. Waxaannu diyaar u nahay inaan hortiinna ka sheego inaan ka shaqaynayno midnimada ugana shaqayno sida ugu wanaagsan ee aan xagtin lahayn.”

“Waxaannu caddeynaynaa, Walaalaheenna Waqooyi ee iyagu bilaabay midnimadana inaan ka raalli-galinno waxay taabteen midnimaduna ay ku timaaddo sida ay iyagu raallida ku yihiin ee aan ahayn mid aannu ku khasbayno ama cid kale ku khasbayso. Isla markaana, aannu diyaar u nahay qaladaadka dhacay inaannu taxno wixii dhacayna aannu dusha u ridanno.” ayuu raaciyey hadalkiisa oo uu yidhi Madaxweynah Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho isagoo kusii jeeda magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga sii gudbi doona dalka Ingiriiska. Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa kusii sagootiyey garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo Safarkiisa uu Saxaafadda uga warramay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda KMG ah C/llaahi Cali Afgooye. Waxaanu Mr. Afgooye yidhi; “Ra’iisul Wasaarihii aannu jeclayn wuxuu maanta (Shalay) u dhoofay Dubai, wuxuuna uga sii gudbi doonaa dalka Ingiriiska oo uu kaga qaybgeli doono Xaflad lagu maamuusayo 01-da Luuliyo oo ay kasoo qaybgeli doonaan 10,000 qof oo Soomaali ahi.”

Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in ra’iisul wasaarihii hore uu sannadkan oo dhan booqan doono dalalkii laga dhigay dibadbaxyada lagu diidan yahay inuu xafiiska ka tago, uuna dalka kusoo laaban doono sannadka soo socda.

Mudane Farmaajo ayaan ka hadlin saxaafadda, wuxuuna dadkii sii dhaweeyay ka salaamay albaabka diyaaraddii uu raacay isagoo ay ka muuqato inuu ka xun yahay inuu dalka ka dhoof. Waxaaanu bixitaankiisu yimid iyadoo xalay la guddoonsiiyay billad-sharaf uu ka turjumaysay waxqabadkiisii uu sameeyey muddii uu xilka hayey.

.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland,