Nuxurka Khudbad taariikhiya oo Madaxweynaha Somaliland Caawa ka jeediyey Xaflad lagu Xusay 26-ka June

Hargeysa(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo caawa khudbad dheer ka jeediyey Xaflad lagu xusayey 51-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26-kii 1960-kii, ayaa sheegay in xorriyaddii shacbiga dalkiisa ka luntay isla maalintaas lixdankii ay waayo-aragnimo ugu filan tahay oo ay xiligan ilaashanayaan jiritaanka Qarannimadooda.

 

Munaasibaddaas Madaxweynuhu ka hadlay oo xalay lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada, waxa ka qaybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Shirgudoonka labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada, Wasiirro, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Masuuliyiin ka socotay Xisbul-xaakimka KULMIYE, Saraakiil ka kala socday Ururrada Bulshada iyo Hay’adaha, Masuuliyiin  iyo Marti sharaf kale oo tira badan. Hase ahaatee, waxaan iyagu Xafladdaasi ka soo xaadirin Masuuliyiinta Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo lagu marti qaaday Munaasibaddaas.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) oo ka hadlay taariikhda maalinta 26-ka June u leedahay Somaliland iyo sidii ay ku timi, waxa uu yidhi; “Walaallayaal dadweynaha ka soo qeybgalay Xafladdan iyo intaan ka soo qeyb-galin ee dibadda joogtaba waan salaamayaa waxaan idinku soo dhawaynayaa idinkuna hambalyeynayaa munaasibaddan 26-ka June oo ah maalin taariikhi ah oo maalin weyn u ah Somaliland.” “Waa maalintii calan soomaaliyeed oo xor ah la taago, waa 26 bishii June 1960-kii, wakhtigaasi aynu xornimada ka qaadannay Maxmiyaddii Ingiriiska oo siddeetan sannadood ka badan ina xukumaysay waxay Somaliland xilligaa in badan u halgamaysay inay xorriyaddeeda qaato oo ay saamaysay dabayshii xornimo doonka ee Afrika oo dhan ka bilaabantay innagoo xarakadaasi ka mid ahayn ayaynu xorriyaddeennii qaadannay.” ayuu yidhi Md. Axmed-Siilaanyo.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in wakhtigaa Somaliland xorriyaddeeda qaadatay shacabkeedu ku naalloonayey in la helo dadka Af-Soomaaliga ku hadla oo hal dawlad ku midaysan, hase ahaatee, ay taasi beenaydo caqabado ka horyimi awgood. Madaxweyna oo arrintaa ka hadlayaana wuxu yidhi; “Wakhtigaa isaga ah ee aynu xorriyaddeenna qaadannay waxaynu ku naaloonaynay oo aynu doonaynay in dadka AfSoomaaliga ku hadla oo dhami ay noqdaan waddan qudha oo aynu isu keenno.sidaasi ayay ahayd himiladeennu iyadoo xamaasaddaasi inna haysay ayaynu 26-kii June xornimada ka qaadannay Ingiriiska markii ILLAAHAY ha u naxariistii Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Weftigii la socday ay tageen dalka Ingiriiska waxa lagula taliyey horta xorriyaddiinna oo taam ah qaata,waxaynu nidhi; ‘Waxaannu ku biiraynaa afar cisho ka bacdi iyaga oo ka jawaabayey dareenkii shacbiga Somaliland inaannu la midowno dalkii Soomaaliya oo xornimadoodu ku beegnayd 1-dii July ee 1960-kii.” “Wakhtigaasi isaga ah sidaasi ayaynu ku raacnay oo aynu Madax-bannaanideennii ku dhiibnay oo aynu ka mid noqonay dalkii Soomaaliya la odhan jiray.” ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxeyne Axmed-Siilaanyo oo ka hadlayey sidii ay Somaliland ugu hungowday midowgii ay la gashay Soomaaliya, filashadii shacabka Somaliland iyo sidii xaaladdu isu beddashay, wuxu yidhi; “Israacaasi ayaan-darro maynaan mahadin wax dhacayba dhibaatooyin fara badan ayaa yimid, waxa ka dambaysay in israacii shaqayn waayey oo dadka reer Somaliland ay dulmi tirsadeen illaa dhalinyaro badan oo Ciidammada ka tirsanaa ay inqilaab isku dayeen oo ay dooneen inay xornimadoodii la soo noqdaan. Markii ay arkeen in midnimadii mid loo siman yahay aanay ahayn. Intii dambena waxay innagu qaadatay muddo dheer oo halgankii SNM inaynu xorriyaddeennii dib ugula soo noqonno 18-kii May ee 1991-kii.”

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wataa wuxu intaa ku daray oo yidhi; “Maalintani waxay inna baraysaa in immika wixii ka dambeeya in kasta ha innagu qaadatee xorriyaddeenna ilaashanno oo immika wixii ka dambeeya caalamku inuu inna ictiraafo waxay ku xidhan tahay waxaynu innagu qabsanno. Caalamku maanta wuu innoo soo jeedaa wax badan ayuu innala qabtaa, wuu innala shaqeeyaa dad badan ayaa u diyaara inay wax innala qabtaan. Laakiin, cidda xilka iyo masuuliyaddu saaran tahay waa innaga haddii aynu dadweynaha Somaliland nahay. waxaan leeyahay aynu isku xidhnaano oo aan midowno oo nabadeenna ilaashanno.” Waxaanu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo tilmaamay inuu rejeynayo in Somaliland kama dambaysta ay noqon doonto dal madax-bannaan oo horumaray, isla markaana caalamka ka tirsan.

Waxa Munaasibaddaas lagu soo bandhigay Riwaayad la magac-baxday Taariikhdu Waa Mahadho oo uu curiyay Abwaan Maxamed Cismaan (Maxamed-Dheere), taas oo ka hadlaysay ama baytal-qasiidkeedu ahaa Sooyaalka 26 June iyo marxaladaha kala duwan ee ay soo martay.

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.