Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu oo u kicitimay dalka Jabuuti

Hargeysa(Berberanews)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) iyo Wefti culus oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta u kicitimay dalka aynu deriska nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib markii ay Marti-qaad rasmiya ka heleen Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti.

 

Waxa socdaalka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ku wehelinaya Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Siciid Cabdi Faahiye, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed X Cabdillaahi (Xamarje), Agaasimaha Protocol-ka Madaxtooyada Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) iyo saddex Xildhibaan oo ka tirsan Golaha sharci-dejinta.

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inay marti-qaad rasmiya ka kaleen Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti. Isla markaana ay ka wada hadli doonaan xoojinta xidhiidhka labada Baarlamaan iyo guud ahaanba Cilaaqaadka labada waddan ee Somaliland iyo Jabuuti. Waxaanu intaa ku daray inay booqashoodu qaadan doonto muddo saddex  maalmood ah.

 

Dhinaca kale Shirgudoonka Golaha Wakiilladu waxay hambalyo iyo bogaadin u direen guud ahaanba shacabka Somaliland meelkasta oo ay joogaan Munaasibadda 51-guurada ka soo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland ay xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26-june 1960. Shirgudoonku waxa uu Illaahay uga baryey Shacabka Somaliland inuu Illaahay sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo iyo horumar.

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.