Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay cidda ay u xil-saartay soo dejinta Shidaalka

Hargeysa(Berberanews)- Xukuumaadda Somaliland ayaa caddeysay, isla markaana markii ugu horreysay si toosa farta ugu fiiqday cidda ay u xil-saartay soo dejinta ama keenista Shidaalka dalka soo galaya.

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr, Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland xil-ka saaran yahay keenista Shidaalka looga baahdo dalka inta la qabanayo tartan Shirkadaha danaynaya la galinayo maamulka Haamaha Shidaalka Shirkaddii ku guulaysata. Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Waraysi gaara siiyey Wargeyska Ogaal shalay, ayaa sheegay in Sanduuq loogu tala-galay kaalmooinka Somaliland sida tooska ah loo siinayo diyaarintiisi socoto, dhowaana dhaqaalihii ku soo shubi doonaan dalal ay Ingiriiska iyo Denmarka ugu horreeyaan.

 

Waxa kale oo uu Wasiirku Waraysigaa kaga hadlay natiijooyinka ka soo baxay kulan dhawaan uu kula soo yeeshay maagalada Nayrobi waddammada Qaadhaan-bixiyayaasha oo lagaga hadlay sidii Somaliland looga taageeri lahaa Barnaamijka lacag la’aanta Waxbarashada aasaasiga ah. Waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:

S: Wasiir, safarkaagii Nayroobi waxaad sheegtay inaad kulan ku saabsan taagerrida Barnaamjka lacag la’aanta Waxbarashada aasaasiga ah la soo yeelan doontid waddammada Qaadhaan-bixiyayaasha, maxaka soo baxay kulankaas?

 

J: Waxaan arrinkaa kulan kala yeelannay waddammada Qaadhaan-bixiyayaasha, gaar ahaan dalalka taageera dhinaca Waxbarashada, waxaanan tusaalaynay in taageero loo helo sidii Barnaamijka lacag la’aanta Waxbarashada aasaasiga ah hirgelintiisa looga wada shaqeyn lahaa, loogana taageeri lahaa Somaliland, sidoo kalena loogu soo dari lahaa hay’adaha  taageera Waxbarashada sida waddammada aynu jaarka nahayba haatan ay gacanta uga siiyaan.

S: Markaa, ma jiraan wax ballan-qaad ah oo la idiin  sameeyey, goorma ayey-se bilaabmayaan?

 

J: Waxa tallaabada tan xigta ee Wasaaradda Waxbarashadu qabanaysaa tahay in Barnaamijka lacag la’aanta Waxbarashada aasaasiga ah oo ah mid Adduunka meelo badan ka socda sida waddammo badan oo aynu jaar nahay, waddan keliya oo isagu iska bixiyaana aanu jirin ee laga taageero, sidii waxqabadka iyo wada-xaajoodka halkaa looga sii wadi lahaa. Dhawaanna kulammo kale ayey qaban doontaa Wasaaraddu oo arrinka ku saabsan.

S: Wasiir waxaad sheegtay in la sii ambaqaado in laysku afgartay, marka taa laga yimaaddo weli ma jiraan wax ballan-qaad ah oo barnaamijkaa ku saabsani?

 

J: Weli ma jiraan wax ballan-qaadi, laakiin, waxa jira in kaalmooyinkii hore xagga Waxbarashada loogu bixin jiray dib loogu noqdo oo Barnaamijka Waxbarashada lacag la’aanta qeyb la geliyo, waxaan is tusnay in loo baahan yahay gacan ku meel-gaadh ah. Somaliland way ku filaan kartaa hirgelinta Barnamijkaa, laakiin muddada la hirgelnayo gaar ahaan sannadka ugu horreeya in gacan laga siiyo Somaliland,oo lacagaha haatan hay’adaha kala duwani geliyaan Waxbarashada in qeybo loo duwo hirgelinta barnaamijkan, iyo inaan teegeero kale oo dheeraad ah u baahan nahay, balse, ummad ahaan iyo xukuumad ahaanba Somalland isku tashatay in hirgelinta barnaamijkaa gacanteeda ku fuliso waxii ka danbeeya.

S: Wasiir, halkee ayey ku danbeeyeen ballan-qaadyadii dhaqaale ee Ingiriiska iyo Denmark, maxaase illaa wakhtigan ka soo gaadhay Somaliand?

 

J: Haa, qaarna way na soo gaadheen, qaarna immikaa faraha lagu hayaa. Waxa jirta 773 Macallin oo ka hawlgala Somaliland, gaar ahaan mushahaadooda marka laga yimaaddo taageerada kale ee la xidhiidha Waxbarashada, aannu immika si toos ah uga hello waddammo ka mid ah kuwa deeqaha bixiya, oo na soo gaadhay. Waxa kaloo immika gacanta lagu hayaa abuuritaanka Sanduuq dhaqaale oo waddammada Qaadhaan-bixiyayaasha iyo Somaliland ay si wada-jir ah u maamulaan, oo mucaawnooyinkii hore hay’adaha loo siin jiray qaar ka mid ah si toos ah loogu soo shubo oo waddammadaa iyo Somaliland wada maamulaan si loogu fuliyo baahida Qaranku leeyahay. Kaalmadii Ingiriisku waa ta ugu horreysa ee Sanduuqaas lagu shubi doono, waana kaalmada ugu weyn ee dalkeenna haatan loo ballan-qaaday. Markaa rejooyinka wanaagsan ayaan filaynaa oo wax ka tari doona baahiyaadka Qarankani leeyahay.

 

S: Xillima ayaa la filayaa in dhaqaalaha ugu horreeya lagu soo shubo Sanduuqaas?

 

J: Sida ugu horreysa ee suurtagal ah, waxaana xilligan la wadaa sidii loo diyaarin lahaa   mashaarciida lagu fulinayo loo kala horreysiinayo, sida Xisaab-xidhka loo diyaarin lahaa, sida loo maamulayo, waxaana wada samaynta hawahaa Somaliland iyo waddammada deeqaha bixiya oo Ingiriisku ugu horreeyo.

S: Halkee ayuu marayaa hawshii maamulidda Guddi aad ku jirto oo Madaxweynaha Somaliland u xil-saaray Haamahii Shidaalka ee Total laga soo wareejiyey, iyo wakhtiga la qaban doono tartankii loogu wareejin lahaa Shirkadda ku guulaysata maamulkeeda?

 

J: Waa su’aal wanaagsan, waa runtaa, hawlahii maamul iyo gacan ku hayta Haamaha Shidaalka ee Total qaban jirtay waxa uu haatan si ku meel-gaadh ah ugu jiraa gacanta Xukuumadda illaa go’aan rasmi ah laga qaadanayo waxa laga yeelayo. Waxaan isla garannay haddaannu nahay Guddidii Madaxweynahu u xil-saaray arrinkaas inaan gacanta ku qabanno hawshaa sii wadideeda maaddaama oo uu yahay adeeq shacabka iyo Xukuumaddu u baahan yihiin helitaankiisa Shidaalku, inta aannu ka shaqeynayno sidii hay’ad ama Shirkad madax-bannaan loogu wareejin lahaa dariiq sharci ah oo si madax-bannaan loogu tartamo, inta ka horreysana waxa hawsha fulinteeda wadda Xukuumadda oo ay masuul uga tahay Wasaaradda Ganacsiga, iyadaana soo dejinaysa waxii Shidaal loo baahan yahay, mana jirto weli heshiis Shirkad gaar ah lagu siiyey keenitaanka Shidaalka. Shidaalkii dhawaan Jabuuti ka yimina waxuu ahaa Shidaal Xukuumaddu dalbatay ee cid gaar ahi may lahayn.

 

Xigasho Wargeyska Ogaal.