Ujeedo Wergelin
KU:Saxafada Somaliland
KU:Wasiirska cusub dhalinyarada Ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland
KU:Agasimaha Guud Wasarada dhalinyarada Ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland
KU:Gudoomiyaha Wakalaadda qurbajooga Somaliland
Taarikhdu markay ahayd bishi October 2011 waxaa shir isugu yimi magalo madaxda labaad ingiriiska Ee Birmingham ururo dhalinyaro iyo shakhsiyaad la odhan karo waa intii ugu firfircoonayd bahda sportska Somaliland waxanay ku samaysten urur la magacbaxaY UK & Somaliland Diaspora Sports Development group sidii ay gacan weyn uga geeysan lahayeen huru marinta sportska iyo dhalinyarada Somaliland
Ururkan dhalinyarada oo ka kala socda UK, Canada iyo Norway ayaa isugu jira dad aad u khibrad badan oo ciyaraha in badan ku soo jirey
Hadaba dhalinyaradan isu tagtey oo aan aad ugu howlan iney waqtigooda iyo lacagtooda u huraan ayaa doonaya iney dad weynaha reer Somaliland meelkasta ha joogeen ee sidey uga qayb qaadan lahayeen kobcinta sports iyo kooxaha ka dhisan somaliland.
Dhalinyaradan ayaa waxay shirar ku qabten magaaloyin badan oo UK ah sida Cardhiff ,Birmingham,London.Sheffeild iyo dalka Norway iyo Canada
Dhalinyaradan isku tagetey oo dooneysa iney geeyaan qalab iyo weliba 4 kooxood oo ka kala socda UK, Canada iyo Norway ayaa waxa kale oo ay ku hamiyaan iney kooxan iyo kuwa somaliland jooga ay ka qay qaadan doonan xulka qaranka somaliland, waxaanay kala shaqyn donan Wasarada sidi Somaliland u lahan lahayd Xul kubada cagta iyo xulka kubada basketka .
Dhalinyaradan ayaa waxay qar ka mida safar ku tagen Somaliland si ay ula kulman madaxda Wasarada iyo kooxaha ka jira wadanki . waxanay la kulmen Wasirka iyo Agaasimaha Guud iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka kubada Cagta .Dhamaantod way soo dhaweeyen . dhalinyarada boqatay wadanka waxaa ka mida ahaa Sicid Maxamuud .Musse Xasan .Rasid Jamac Iyo Cabdixakin oo tababara soo siyay Kooxaha Somaliland ka dhisan gar ahaan waxay safar ku tagen .Hargeysa iyo Burco oo kooxaha ka jiray soo siyen tababar iyo qalab
Dhalinyaradan ayaa qorshahoodu ahaa inay bisha Julay 2011 tagan wadankii .balse arintas ayaa sura geli wayday ka dib marki ay yimaaden durufo ay ka mid yihin
1- Garoonkii Stadiom Hargeysa oo dhiisme ka socdo
2- Ramaadanka oo bisha 8aad ku began
3- Diyaaradihi oo sanadkan buxsamay
4- Jamac Adan (Karaiin) EIITE COACH oo noo sheegay shir Oslo bishan kula yeshen xubna naga mida ka mid yihin Mubaarik Yusuf(Bidhi) inu bisha December 2011 safar ku imanayo Somaliland .
Dhalinyaradan waxay rabaan iney kaxeeyaan kooxo kubada cagta bisha laba iyo tobaaan oo ay la soo ciyaaran Lixda Gobol Somaliland .
Waxaan goaansany inanu nimaadno December 2011 hadi alla yidhaahdo .
Waxanan ogaysinayna inti hawsha nala waday in wakhtiiga insha alla anu imanayno
.
Waxa kale oo groupkani rabaa iney taba bar soo siiyan kooxaha ka dhisan wadanka oo dhan .
Waxa barnaamijkan soo abaa buley 20 qof oo khibrad kuleh ciyaraha iyo tartanada kubada cagta. Waxana ciyaarahan ka gacan geeysan doona ururo iyo kooxo kubada cagta oo ka dhisan cariga ingriiska. Waxa kale oo ka qayqaadan doono ganacsiyo badan oo reer somaliland ah.
Waxa Ururku tahniyad u dirayaan wasiirska cusub dhalinyarada Ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland Mudane Cabdi Siicid Fahiiye, in ilahaay ku guuleysiiyo kordhinta sportska, waxa kale oo aanu mahadnaq u direyna wasiirkii hore ee sports Axmed Madar oo qabtay mudadi uu joogay wax la taban karo annagana wada shaqayn fiican naga dhaxaysay oo si weyn u soo dhaweyey arintan aan wadno.
Waxa kale oo aanu mahadnaq wey u direynaa Agasimaha Guud Wasarada dhalinyarada Ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland Mustafe Qodax oo ah nin dhalinyara mujiyay waxqabda iyo dacadnimo . arintan anu wadnana aad u soo dhaweyey yidhi aad baan ugu farax sanahay barnaamijkan wax weyna wey ka bedeli doontaa anaguna waanu soo dhaweyneyna inshallah December 2011.
Sidoo kale waxanu u mahadnaqeyna Gudoomiyaha Wakalaadda qurbajooga Somaliland Suleman Maxamed Farax oo soo dhaweeyay barnamijkan
Magacyada Hoormoodka qaban qaabiyasha
Abdixakim Ibrahim (Cardif)
Dualeh Osman Dualeh (London)
Mubaarik Yousuf (Bidhi) (Birmingham)
Axmed Yassin Suleman(Birmingm/Norway
Muse Hassan Yousuf (Cardif)
Saeed Mohamood Soleman (Cardif)
Osman Hussien (London & B’ham)
Abdi Ismail (B’ham)
Adam Hersi (London)
Farax (Xabuusho)
Adam Yare (London)
Rashid Aden(dhere) (London)
Abdirahman A Fiidar (London)
Yasin Farax Jees (Sheffield)
Ahmed Waqaf (London)
Omar Mohamed (Canada)
Ali Maxamed Jama(Norway )
Sacad Yuusuf Xashi( Norway)
Mubaarik Yuusuf(Bidhi)
Email:bidhi69@hotmail.com