Shirkadda GULF PETROLEUM maxay ku soo kordhin kartaa Somaliland?

Tan iyo markii ay Xukuumadda Somaliland ruqsaddii oggolaanshaha kala noqotay Shirkadda Total oo muddo toban sano ka badan gacanta ku haysa Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka ee magaalada Berbera, waxa la dareemayaa dhaqdhaqaaqa shirkado dhawr ah oo doonaya ama danaynaya inay u tartamaan maamulka Haamahaas oo ay hadda dawladdu gacanta ku hayso iyaga iyo keenista Gaasta Cad ee diyaaraduhu isticmaalaan.

Inkasta oo ay jiraan Shirkado kala duwan iyo Dad Ganacsato ah oo u dhaqdhaqaaqaya arrintaas sidii ay ugu guulaysan lahaayeen, haddana marka laga tago Ganacsatada Ganacsigoodu ku kooban yahay gudaha dalka Somaliland, waxa jira illaa hadda inta la ogyahay Shirkadda GULF PETROLEUM TRADING COMPANY oo ah Shirkad caalami ah, isla markaana dawladda Somaliland heshiis kula jirta, kaasoo ah ama ay dawladdu Ruqsad oggolaansho ah u siisay soo dejinta Shidaalka oo hore dhawr shirkadood u keeni jireen. Taasoo Shixnaddeeda ugu horreysa la filayo inay Berbera soo gaadho bisha maalmuhu ka hadhsan yihiin ee Julay gudeheeda.

Haddaba, Shirkadda GULF PETROLEUM, oo Xarunteeda ugu weyni tahay magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isla markaana ka shaqaysa waddammo badan oo Bariga Afrika iyo Carabtaba ka mid ah, ayaa sidii ilays meel madaw la dhigay uga dhex muuqata Shirkadaha danaynaya inay ka qaybgalaan Qandaraas ay Xukuumaddu sheegtay inay u qaban doonto Shirkadaha Ganacsi ee danaynaya inay qabtaan ama la wareegaan hawshii Shirkadda TOTAL haysay ee maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera iyo keenista Gaasta diyaaradaha. Waxaana tusaale innoogu filan sida ay Shirkaddu magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo meelo kale oo dalka ah uga hirgelisay Xafiisyadeeda, isla markaana diyaar ugu tahay inay ka qaybqaadato horumarinta adeegyada bulshada, iyada oo intii ay jirtay Lacag Kumannaan Doollar ah ugu Deeqday xarun cusub oo magaalada Burco looga dhisayo Agoomaha Gobolka Togdheer.

Shirkadda GULF PETROLEUM TRADING CAMPANY, ayaa dhawr jeer oo hore Xukuumaddii Daahir Rayaale u diidday inay ruqsadda shidaal keenista Somaliland siiso, hase ahaatee, Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa iyadu ku guulaysatay inay Ruqsaddaas oggolaansha Shidaal keenista siiso GULF PETROLEUM. In badan oo ka mida dadwenaha reer Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyey heshiiska ay Xukuumadda Siilaanyo la gashay Shirkaddaas, iyada oo sababtu tahay in Shirkaddu markii ugu horreysay ee heshiiska ay Somaliland la gashay shaacisay Masuuliyiinteedu sheegeen inay Somaliland keeni doonaan Shidaal ku fillaada dalka oo tayadiisu aad u sarrayso oo aan iyaga ka hor cidi keenin, kaasoo ay sheegeen inuu qiimo ahaan aad uga jabnaan doono intii ay Shirkadda TOTAL ku iibin jirtay Shidalka noocyadiisa kala duwan, taasoo badi bulshada reer Somaliland ee dalka gudihiisa ku nooli aad ula dheceen, isla markaana si diirran oo farxadi ku dheehan tahay u soo dhaweeyeen, maaddaama oo ay Shirkaddii TOTAL qaab kooto ah toban sano in ka badan ku haysatay maamulka Haamaha iyo qiime u jarista Shidaalka Somaliland yimaadda, taasoo markii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo eryey dadka reer Somaliland u arkeen culays badan oo ay shirkaddaasi ku haysan in laga dul-qaaday. Waxa kale oo ay Masuuliyiinta GULF PETROLEUM shaaciyeen inay Shidaalka ka baahi tiri doonaan dalka Somaliland, isla markaana ay qorshaynayaan sidii ay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya laftiisa ugu gudbin lahaayeen ama u gaadhsiin lahaayeen Shidaalkooda ka soo degi doona Dekadda Berbera, oo si toos ah u sii dhexmari doona dalka Somaliland.

Dadka arrimaha Siyaasadda Ganacsiga oddorosa qaar ka mid ah, ayaa iyagu ku doodaya marka laga yimaadda qiimaha Shidaalka ee ka naasilan kii Total iyo tayada uu leeyahay inay Shirkadda GULF PETROLEUM TRADING COMPANY faa’iidooyin kale oo fara badan ay u yeelan karto Somaliland haddiiba ay ku guulaysato tartanka loo galayo Maamulka Haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera. “Anigu waxaan u arkaa haddii Shirkadda GULF PETROLEUM ee dawladda Somaliland ruqsadda Shidaal keenista siisay dhawan, ay ku guulaysato tartanka ay Xukuumaddu sheegtay inay u qabanayso shirkadaha danaynaya amaba si caadiya loogu wareejiyo, waxay wax badan ka tari kartaa xidhiidh Ganacsi iyo Maalgashi oo ay Somaliland ka hirgeliyaan shirkado badan oo Carbeed, kuwaasoo haddii ay GULF ku guulaysato Haamaha maamulkooda ay ku soo dhiirran karaan Ganacsato badan oo Carbeed iyo kuwo kale oo caalamka ka yimaadda.” Sidaa waxa yidhi Siciid Sh. Axmed oo ka mid ah dadka reer Somaliland ee falan-qeeya siyaasadaha Ganacsiga oo isaga oo jooga magaalada Hargeysa iiga warramay waxyaabaha ay Shirkadda GULF PETROLEUM kusoo kordhin karto dalka Somaliland, maaddaama oo ay tahay Shirkad Caalamiya oo dalal badan ka hawl-gasha.

Waxaanu Siciid oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxay furfuri kartaa Xidhiidh Ganacsi oo dhexmara dawladaha Carabta iyo Somaliland, haddii xidhiidh dhaw oo Ganacsi inna dhexmaro innaga iyo Carabtana, waxa imanaya oo ay arrintaasi sahli kartaa xidhiidh diblamaasiyadeed oo furfuran, waayo? Xidhiidh fiican oo ganacsi oo laba dal dhexmaraa wuxuu fure u noqon karaa mid dhaw oo siyaasadeed iyo cilaaqaad fara badan oo dalalka Ganacsigu u dhexeeyo dhex mari kara, iyaga oo Carabtu ah kuwo wax badani innagaga xidhan yihiin oo aynu aad ugu baahannay xidhiidhkooda Ganacsi iyo kooda siyaasadeedba. Sidaa daraaddeed, anigu waxaan ka mid ahay dadka sida weyn u soo dhaweeyey heshiiska ay Xukuumaddu la gashay Shirkaddaas GULF PETROLEUM COMPANY, waxaanan qabaa haddii ay ku guulaysato maamulka Haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera in 90% lagaga raysan doono Shirkaddii TOTAL ee dalka iyo dadkaba Dhiig-miiratay, guul baanan u rejeynayaa.”

Si kastaba ha ahaatee, qormadan oo ah tii koobaad ee aynu ku faaqidno faa’iidada ay Shirkadda GULF PETROLEUM u leedahay dalka Somaliland intaas ayeynu maanta ku koobaynaa, hase ahaatee, waxaaynu qormooyinkeenna tan xiga ku eegi doonnaa taariikhda Shirkadda GULF PETROLEUM, aragtiyaha ay dadweynaha reer Somaliland ka aamminsan yihiin, waxay ka filanayaan iyo qodobbo kala duwan oo Akhristayaal waxyaabo badan oo muhiim ah aad ka faa’iidi kartaan ama ka korodhsan kartaan.

La Soco qayb kale oo xiiso badan……………………………….

Faaqidaadda Qalinka. By: Cabdifataax I Mursal
mrmursal@gmail.com