Diyaarad Joog Hoose Ku Duulaysa Oo Gaaf-wareegaysa Buuralayda Degmada Sheekh, Tuhunnada Ku Xeeran iyo Cabsida Dadweynuhu Ka Muujiyeen

Sheekh-(Berberanews)- Diyaarad nooca milaterigu ee qummaatiga u kala, ayaa maanta gelinkii hore lagu arkay iyadoo gaaf-wareegaysa dhulka buuralayda degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.

Diyaaradan oo aan si rasmiya loo aqoonsan cidda leh waxay qaar ka mid ah dadweynaha degmada Sheekh oo shekebadda Berberanews la soo xidhiidhay sheegeen inay rumaysanyihiin diyaaradani inay tahay mid ka mid ah kuwa reer Galbeedka oo ka soo kacday maraakiibta dagaalka Nato ee ku sugan Xeebaha Somalia.
Diyaaradan oo cabsi xoog leh ku abuurtay dadweynaha degmada Sheekh waxay duullimaadkeeda bilowdey saaka 11:30 illaa 12;00 duhurnimmo, waxaannay laba goor dul haaday magaalada gudaheeda iyo buurta dawga Sheekh oo ay markii danbe uga gudubtay Xeebta Berbera.
Ma jirto cid si rasmiya u xaqiijisay ujeedada tuhunnada dhallisay ee diyaaradani ku gaaf-wareegtay Degmada Sheekh oo ah dhul buuralay ah iyo xidhiidhka ay wadaagi karaan weeraro todobaadkii hore ay laba diyaaradood oo kuwa reer Galbeedku ka fuliyeen saldhig ay deganyihiin kooxda mayalka adag ee Al-shabaab oo ku taal degaanka Kismaayo .
Diiriye Maxamuud oo ka mid ah dadweynaha ku nool degmada Sheekh, ayaa sharaxaad ka bixinaya diyaaradan“Diyaaradani waxay duullimaadkeeda ka bilowdey Buuralayda Dawga Sheekh abaaro 11:30 illaa 12:00 oo ay hadba dhinac u kacaysay, waxaanay laba jeer soo dul martay magaalada Sheekh,mana garan karo meel ay ka timi iyo ujeedo ay u socoto toona.”
Maxamuud waxa uu intaa ku daray in diyaaradani cabsi xoog leh ku abuurtay dadweyanah degmada Sheekh, “Diyaaradani waxay cabsi iyo sas gelisay dadweynaha ku dhaqan degmada Sheekh oo ay layaab ku noqotay diyaarad guux weyn oo hadba dhinac u gaaf-wareegaysa ee aan ujeedo ay u socoto la aqoonsan, markii ay muddo joogtay waxay u kacday dhinaca Xeebta Berbera oo aan filaayo inay ka soo duushay maraakiibta dagaalka NATO.” Sidaa waxa shebekadda Berberanes khadka telefoonka ugu xaqiijiyay Diiriye Maxamuud oo ka mid ah dadweynaha ku nool degmada Sheekh.
Berberanews.com
Degmada Sheekh, Saaxil
Email, info@berberanews.com