Hargeysa, July 2,2011 (Berberanews) – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa aqbalay marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxwaynaha Koonfurta Suudaan.
Madaxwaynaha dalka dhawaanta goonida uga go’ay dal-waynaha Suudaan Mr Salva Kiir, ayaa Sabtidii shalay Madaxwaynaha Somaliland u soo diray casuumad rasmi ah oo nuxurkeedu yahay inuu Madaxwaynaha Somaliland ka qayb-gallo xafladda loogu wanqalayo dalka Koonfurta Suudaan.
Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu si rasmi ah u aqbalay marti-qaadkaasi isla-markaana uu ka qayb-gali doono xafladaasi.
Munaasibada loogu wanqalayo dalka cusub ee Koonfurta Suudaan oo dhawaan gooni uga go’ay dal-waynaha Suudaan ka dib markii cod laga qaaday shacabka Koonfurta ayaa si rasmi ah loogu wanqali doonaa 9-ka bishan July.
Berberanews.com
Info@berberanews.com