Madaxwaynaha Somaliland Oo Badhasaab Cusub U Magacaabay Gobolka Awdal

Hargeysa, July 2,2011 (Berberanews) Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta badhasaab cusub u magacaabay gobolka Awdal, ka dib markii badhasaabkii hore xilka laga qaaday.
War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa lagu sheegay in maanta laga bilaabo badhasaabka gobolka Awdal uu yahay Md Xasan Daahir Xaddi.
War-saxaafadeedka Madaxtooyadda oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Awdal.
 Madaxweynuhu waxa uu Digteeadaa Magacaabista ah ku yidhi sidan:-
Markuu Arkay:              Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay:              Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay:                          Baahida loo qabo in badhasaab loo magacaabo Gobolka
 Awdal,
Markuu Aqoonsaday:                Muhiimadda wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Guddoomiyhaha Gobolka Awdal,
Markuu Ka Fiirsaday:    Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu Ku Qancay:                  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Xasan Daahir Xaddi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
Berberanews.com
Info@berberanews.com