Madaxwaynaha Somaliland Oo Digreetadii Saddexaad Ee Uu Maanta Soo Saaro Ku Magacaabay Garyaqaanka Guud Ee Qaranka Oo Ah Mansab Hay’adaha Dawlada Ku Cusub.

Hargeysa, July 2,2011 – (Berberanews) – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa magaabay garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland.
War-saxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta Madaxtooyadda Somaliland isla-markaana uu ku saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa lagu sheegay in garyaqaanka qaranka loo magacaabay Md Ibraahim Iidle Saleebaan.
War-saxaafadeedka lagu shaaciyay xilkan oo ah mid ku cusub xilalka xukuumadda Somaliland ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ) waxa uu Magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan inuu ahaado Garyaqaanka Guud ee Qaranka JSL, Kaas oo Buuxin doona Xilkan oo Muhiimad weyn u leh Qaranka.
Xilkan oo loo baahnaa inuu Xilli hore Dalku yeesho waxa maqnaanshihiisa u baahday Waajibaadka uu Xafiiskani fulin-doono oo dhan, oo ay ka mid tahay Faafinta Xeerar iyo  Shuruucda ay ansixiyaan Golayaasha Qaranku, Madaxweynuhuna Saxeexo oo aan hore u jirin.
Madaxweynuhu Waxa uu Digreetadaa ku yidhi:-
Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay:                     Qodobka 48aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka,
Markuu Aqoonsaday:       Baahida loo qabo buuxinta jagada Garyaqaanka Guud ee Qaranka,
Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Ibraahim Iidle Saleebaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
 
Beberanews.com
Info@berberanews.com