Madaxweyne Qaddaafi Oo Hanjabaad Culus U Diray Dalalka Reer Galbeedka

Tripoli-(Berberanews)- Hoggaamiyaha dalka Liibiya Mucamar Al-qadafi, ayaa ku hanjabay weeraro uu ka fulin doono dalalka Yurub oo uu uga digay inay dhin badan ka mutaysan doonaan haddii aanay dib uga guran xulafada NATO weerarka ay dalkiisa ku hayaa.
Digniinta ka soo yeedhay Madaxweyne Qaddaafi oo ahayd mid khadka telefoonka uu u soo mariyay kumannaan ka mid ah taageerayaashiisa oo shalay Jimcihii isugu soo baxay caasimadda Tripoli oo ay weli ku socoto duqaynta NATO.
“Dadka reer Liibiya waxay awoodaan maalin qudha inay dagaalkan u wareejiyaan Yurub, si ay badhtil-maameed uga dhigtaan guryihiina, xafiisyadiina, kaasoo noqon kara badhtil-maameedyo ciidan oo sharciya, sida aad guryahayaga u badh-tilmaameedsateen.”ayuu yidhi Madaxweyne Qaddaafi
Waxa uu Qaddaafi intaa raaciyay oo yidhi, “Waxaannu go’aansan karaa inaanu idiinla macaamilo sidiina oo kale, haddii aanu sidaa dooranona waxaannu awoodnaa inaanu u soo dhaqaaqno dhinaca Yurub sidii locusts,. Waxaan idinkula talinayaa inaad dib u gurataan ka hor intaydaan dhibaato la kulmin.”
Sida la rumaysanyahay Madaxweyne Qaddaafi waxa uu haystaa taageerayaal malleeshiyaad iyo kooxo xag-jir ah oo ka dhisan dalal debeda ah oo uu ka mid yahay ururka IRA iyo kooxo falastiiniyiin ah, kuwaasoo qaarkood ficilo qaraxyo iyo af-duub isugu jira ka fuliyay wadammo Yurub ah, sida qaraxii Berlin Disco ee 1986 iyo diyaaraddii la soo riday ee Lockerbie oo ay ku dhinteen 270 qof oo rakaab ah oo u badnaa Maratka, iyadoo myddo ka dib ay dawladda Liibiya qiratay inay ka danbeeyeen islamarkaana ay dhawaan ogolaatay inay bixiso mag-dhaw.
Af-hayeen u hadlay Dawladda Maraykanka oo lagu magacaabo Mark Toner, ayaa sheegay inay dalkiisu ka taxadiri doono cabsida weeraro kaga yimaada Qaddaafi, sida hore u dhacday wakhtiyo hore, inkastoo uu sheegay inaanu garanayn inay dhici karto Qaddaafi inuu awood u heli karo ficilo noocan oo kale ah inuu fulin doono.
Berberaews.com
Email, info@berberanews.com