Madaxweyne Silaanyo Oo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Taariikh Nololeedkiisa

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta si rasmiya u shaaciyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, ka dib markii uu 18kii bishii hore ee May uu xikii ka qaaday Maxamed Xirsi Oomane iyo xubnihii garsoorka.
War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo muddo dheer xukuummadihii Cigaal iyo Rayaale xilal ka soo qabtay.
Dr. Yuusuf oo ah garyaqaan si madaxbanaan ugu shaqaysta xirfadiisa shaqo, isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay garsoorka Somaliland tan iyo 1992, isagoo Garyaqaan Yuusuf ka qalin jebiyay jaamacaddii Ummada Soomaaliyeed ee Gahayr 1988, isla markaana garsoore kasoo noqday Maxkamadda gobolka Hargeysa, Maxkamadda Rafcaanka ee Hargeysa iyo Saaxil intii aanu istiqlaalid dhiibin sannadkii 2002. Geeridii Madaxweyne Cigaal Kadib markii ay xukuumaddii Rayaale fara gelin ku samaysay garsoorka Somaliland. iyadoo lagu tilmaamo Garyaqaan Yuusuf shaqsiyaadka ugu nadiifsan dhinaca dadka ka hawlagala garsoorka Somaliland, isla markaana xirfad aqooneed iyo waaya aragnimo u leh shaqada garsoorka.
War-saxaafadeedkan oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay wuxuu u dhignaa sidan;”Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne ku magacaabay gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka.
Waxaanu madaxweynuhu ku yidhi Digreetadiisa:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda,
Markuu Aqoonsaday: Baahida wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka,
Markuu ku Qancay: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu Isku Qanciyey: In uu hanan karo xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka.
Wuxuu Go’aansaday
In Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com