Mdaxweynaha Koonfurta Suudaan Oo Dhiggiisa Somaliland Martiqaad U Fididyay Munaasibadda Dabaal-dega Jubba

“Waxaan mudane madaxweyne, ku faraxsanahay in aan kugu wargeliyo in 9 July 2011 ay tahay maalin taariikhi u ah dadka Koonfurta Suudaan. Tan oo soo afjartay muddadii ku-meel-gaadhka ahayd iyo heshiiskii isfamahka ahaa ee Suudaan (CPA) ee Suudaan u riixay siyaasadda tixgelinta mudan. Waa maalin uu dhalanayo dalkii 54aad ee xubinta ka noqda Midawga Afrika oo calankiisa sare loogu taaggo si guul ah, kadib markii aannu ka soo baxnay dagaalkii sokeeye ee ugu mudada dheeraa Afrika, Koonfurta Suudaana waxay hadda gelaysaa waa cusub oo u baryey oo ah nabadgelyo joogto ah, dimuqraadiyad iyo qaranimo masuuliyadi ku dheehan tahay.
Sidaa darteed, aniga oo ku hadlaya magaca dadka iyo dawladda Koonfurta Suudaan iyo weliba magacayga gaarka ah, waxa farxad ii ah in aan kaa codsado inaad mudane si qadarin leh shacabkayaga ugala soo qaybgasho munaasibadan qiimaha leh. Shacbiga Koonfurta Suudaan waxay si qotodheer oo qadarin mudan mudane uga dhursugayaan dedaalka aan kala go’a lahayn ee shacbiga iyo dawladda Somaliland ee suurtogeliyey inay timaado munaasibadda maalintani.
Fadlan, madaxweynihii walaalkay ahaayoow iga aqbal damaannada iyo tixgelintayda ugu saraysa, waxaanan aad uga dhursuguyaa joogitaankaaga muhiimka ah ee caasimadda wadanka Koonfurta ee Juba.” Ayuu madaxweynaha Koonfurta Suudaan ku yidhi qoraalka martiqaadka ah ee uu u soo diray madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).