Badhasaabka Gobolka Sool oo ka hadlay Dad loo xidh-xidhay Toogashada Haweenay la dhaawacay

Laascaanood(Berberanews)- Ciidammada ammaanka magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool,  ayaa hawl-gallo ay sameeeyeen waxay ku qab-qabteen dad looga shakiyey inay lug ku lahaayeen toogasho Fiidnimadii Jimcihii loo gaystay Haweenay ka soo jeedda Gobolkaas oo arrimaha nabadgalyada iyo horumarka u dhaqdhaqaaqi jirtay.

Ciidammada ammaanka ayaa sida ay wararku sheegeen waxay qab-qabteen dad gaadhaya toban qof, kuwaasoo warar aan la xaqiijini ay sheegayaan inay ku jiraan xubno Madax-dhaqameedyo ah. Hase ahaatee, Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdillaahi Jaamac Diiriye oo xalay Wargeyska Ogaal Khadka Taleefanka wax kaga weydiiyey jiritaanka dadka loo qab-qabtay falalkaas ayaa sheegay in Ciidammadu ay dad u soo xidh-xidheen falkii dhawaan lagu toogtay Nadiifo Maxamed Cali oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Somaliland ee NOW ee Gobolka Sool.

Guddoomiyuhu waxa uu ka gaabsaday inuu sheego tirada dadka loo qabtay falkaas, waxaanu yidhi; “Dad xidhxidhani way jiraan, laakiin tiradooda hadda kuuma sheegi karo, ciddii dembi lagu helo waa la qabanayaa Maxkamadda iyo Caddaaladda ayaa la hor-geynayaa.” “Way jiraan in dad loo qabqabtay falkii dhawaan ka dhacay Laascaanood ee lagu toogtay Gabadha, wixii dembi lagu helana Maxkamadda ayaa la geynayaa, wixii lagu waayana waa la iska sii deynayaa.” ayuu hadalkiisa kusoo koobay Cabdilaahi Jaamac Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Xigasho Ogaal.