Qabanqaabada Shirweyne Beesha Ciise Muuse Ku Qabteen Hargeysa, Magacaabista Xubno Farsammo iyo Nuxurka Ajandihiisa

Hargeysa-(Berberanews)- In ka badan boqol qof oo ka mid ah cuqaasha, aqoonyahanka, xildhibaannada, ganacsatada, cullimada, dhallinyarada iyo waxbaradka beesha Ciise Muuse, ayaa maanta isugu yimi qabanqaabada shirweyne ku saabsan aayo-ka-tashiga iyo horumarinta beesha.
Shir ballaadhan oo ay maanta ku qabteen hudheelka Kaah ee duleedka Bariga Hargeysa, waxa layku waafaqay qabanqaabad shirweyne beesha Ciise Muuse kaga tashadaan dannahooda horumarineed iyo turxaan-saar beesha dhexdeeda ah.
Sidoo kale, waxa laysla qaatay magacaabista 13 xubnood oo ka shaqayn doona qabanqaabada iyo muddaynta shirweynaha beesha oo ay soo xuli doonaan guddidii soo qabanqaabisay shirkan manta dhacay.
Shirkan oo xubnaha ka soo qaybgalay ka kala yimaadeen gobollada Togdheer, Saaxil iyo Hargeysa waxa hadallo kooban ka jeediyay sallaadiin, cuqaal, ganacsato, xildhibaanno iyo aqoonyahan, kuwaasoo dhammaantood iftiimiyay dib-u-dhac ballaadhan oo dhinacyo badan oo arrimaha bulshada ah ka haysata Beesha Ciise Muuse iyo deegaanka ay ku noolyihiinba, islamarkaana laysku raacay in sida ugu dhakhsaha badan loo iclaamiyo shirweyne loo dhanyahay.
Muuse-dalab oo ka mid ah ganacsatada shirkaa ka hadashay, ayaa sheegay in beeshu ka aradantahay dhinaca horumarinta iyo iskaashiga, loona baahanyahay in la sammeeyo wax-wada-qabsi iyo iskaashi buuxa oo lagaga shaqeeyo horumarinta beesha.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Naasir Xaaji-cali Shirre oo ka mid ah mudanayaashasha golaha wakiillada Somaliland eek u abtirsada beesha Ciise Muuse, ayaa iftiimiyay sharciyan inay bannaantahay bulshadu inay yeelan karaan kulammo horumarinneed iyo aayo-ka-tashigoodaba khuseeya, islamarkaana aanay jirin cid ka hor istaagi karta masiirkooda iyo damacooda toona.
Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Gobolka Saaxil Sheekh Suleymaan oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inaanu shirkani ahayn mid lidi ku ah xukuumadda amma ka hor imanaya distoorka dalka, balse ku koobanyahay baahi ka timi in layska arko horumarinta deegaanka beesha Ciise Muuse.
Sidoo kale, waxa iyaguna shirkaa ka hadlay xubno faran oo ganacsato, cuqaal iyo masuulliyiinba isugu jira, waxaana la filayaa maalmaha soo socda in la iclaamiyo guddida qabanqaabada shirka iyo goobta lagu qabanayoba.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com