War Deg Dega:Tafaftiraha Wargeyska Jamhuuriya Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Hargeysa(Berberanews)Tafaftirihii Wargeyska caanka ah ee kasoo baxa Hargeysa Jamhuuriya
Maxamed Cumar Cabdi (Ciro) ayaa xabsiga loo taxaabay maanta. Kadib
markii koox ciidanka Bilayska ahi ugu yimaadeen xarunta wargeyska ee
magaalada Hargeysa.
“Waxa loo keenay waaran waana la kaxeeyay.” Sidaa waxa yidhi Xuseen
Cali Nuur oo ah tafaftiraha wargeyska Republic oo aanu weydiinay
xadhiga Tafaftiraha Jamhuuriya. qaabka loo xidhay Tafaftiraha ayaa
ah mid aan waafaqsanayn xeerka saxaafada iyo dastuurka dalka.
Lama garanayo sababta ka danbaysa xadhiga Tafaftiraha jamhuuriya,
balse waxa la rumaysan yahay inay la xidhiidho war ku saaabsan
Hantidhawrka oo ka dalbaday Xeer Ilaalinta qaranka in maamuuska laga
Xayuubiyo Maayarka iyo Maayar xigeenka Hargeysa oo baadhitaano ku
socdeen mudooyinkii u danbeeyay si xabsiga loogu taxaabo, kaas oo
wargeysku baahiyay shalay.