Kooxdii Kubada Cagta Ee Ka Socotay Qurbo Jooga Somaliland Oo Shalay Kabaha La Dulmartay Xulka Gobolka Saxil

(Berberanews):- Waxaa shalay ciyaar aad u xiiso badani ku dhexmatay Garoonka Kubada Cagta Ee Dagmada Sheekh Koox ka socotay Qurbojooga Somaliland iyo xulka Gobol Saaxil Halkaasi oo Berbera labaga baddiyey 1-0 Guushuna ka raacday Kooxdii Qurbo jooga ahayd.

 Ciyaartan ayaa Dadwayniihii daawanayey ay aad u xiiso galisay iyadoo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar aad u quruxbadan,

isla qaybtii hore ee ciyaarta ayey Goolka la yimaadeen kooxda qurbo jooga ah Goolkaasi oo uu u saxeexay Wiilka uga Ciyaara afka hore sitana funanada 9 Sharmake Fuad, Hase ahaatee Gobolka saaxil ma samrin ee waxay soo qaadeen weeraro culus balse nasiib daro u ma suuro galin in ay la yimaadaan wax gool ah, waxaanay ku dhamatay 1-0.

Kooxdan qurbo jooga ahayd ayaa dhawaan ka soo dagay madaarka Berbera Airport isla markaana ciyaaro badan la ciyaaray kooxo ka jira Caasimada somaliland ee Hargaysa, Guulo badana Kala Caraabay.

 Kooxdan ayaa isla xalayba Ka Caraabay Dagmada Sheekh una anba baxay Gobolka Togdheer Caasimadiisa Burco oo ay la Ciyaari doonan Kooxaha Gobolka Todheer.

 Mustafe Maxamud Diiriye “Kastam”

Shaafici_3@hotmail.com

Berberanes