Madaarka Caasimada Hargaysa Oo Xalay Laga Celiyey Diyaarad Rakaab siday Ka Dib Markii Uu Bakhtiyey Mashiinka Laydhka Ee Madaarka

Hargeysa-(Berberanews)-  Madaarka Caasimada Hargaysa ayaa xalaly laga celiyey Diyaarad siday dad Rakaab ah, Celinta Diyaaradan ayaa sababtay Cilad ku timi mashiinka laydhka ee madaarka Hargeysa,                                                                           lana joojiyey dhamaanba duulimaadyadii soo fadhiisan lahaa Egal Internation Airport.

Ilo xogogaal ah ayaa waxay sheegeen in ay diyaaradaasi ka soo kacday madaarka Djabouti isla markaana ay dul timi madaarka Hargaysa aragtayna garoonka oo madow ah, dibna uga laabtay laydh la’aan darteed.

sidoo kale waxaa iyana Madaarka Magaalada Hargaysa ku Huungowbay eheladii dadkii rakaabka ahaa ee la socday diyaarada ka noqotay madaarka dushiisa, halkaasi oo ay niyad jab wayn ku riday dadkii ku lug go’ay madaarka iyo waliba dadkii ay diyaaradu la noqotay.
Hadaba Ciladan Ku timi mashiinka laydha ee madaarka hargaysa ayaa haba yaraate aanay masuuliyiinta
Wassarada Dulista iyo hawadu ka hadlin sheegina cilada farsamo ee ku timi mashiinka, arintan ayaa waxay noqonaysaa ceebtii ugu waynayd ee soo wajahda masuuliyiinta Wasaarada Duulista iyo Hawada somailand intii ay xilka hayeen.