Somaliland: Shidaal aan tayadiisu wanaagsanayn oo ay la cadilanyihiin dadka gaadiidleyda ah




wax maalmihii u danbeeyey isasoo tarayay cabasho dadka gawaadhida lihi ka muujinayaan shidaal tayo xun oo dalka soo galay, kasoo galaaftay gawaadhi badan oo cilinkooda la saari waayay.
Shidaalka
Sida laga war qabo waxa dhawaan xukuumadda Somaliland xadhkaha u jartay shirkadii Total oo inbadan maamulaysay haamaha shidaalka ee Berbera.
ooah gaar ahaan  Petrol-ka ayaa la sheegay in laga soo iibsaday haamaha shidaalka ee Berbera, waxana dadka shidaalka ka ganacsadaan ku doodeen in aanay iyagu shidaalkan meel kale ka keenin balse sidii horeba ay uga iibsan jireen ay uga soo qaateen haamaha shidaalka ee Berbera, halkaasoo ah isha ugu muhiimsan ee dalka shidaalku kasoo galo Somaliland.

Arrintan oo dad badani soo dhaweeyeen markii hore ayaa waxa haatan is waydiintu timi kadib markii dadkii gaadiidlayda ahaa khadyaan ka istaageen shidaal xun oo cilado badan u gaystay gawaadhidii dadka.
Muddo dheer oo Total maamulayasay haamaha shidaalka ee Berbera ayaan la maqal wax cabasho ku saabsan tayada shidaalka dalka yimaada iyo gawaadhi u ciladawday midna. Waxana laga dhursugayaa siday xukuumaddu u maarayn doonto taya xumada ku timi shidaalka kadib markii iyadu caydhisay shirkadii sugaysay tayo wanaaga shidaalka.
Berberanews