UNHCR oo ka digtay masiibo bini’aadaminimo

Madaxa UNHCR

(Berberanews):- Madaxa hay’adda qaramada midoobay ee qaxootiga ee UNHCR, Antonio Guterres ayaa soo jeediyay digniin ku aadan heerka nafaqo darada caruurta ka cararaysa Soomaaliya si ay uga baxsadaan abaarta in ay keeni karto masiibo bini’aadaminimo oo gaarta meel aan la qiyaasi karin.
UNHCR ayaa sheegay in baahida cuntada, hoyga iyo howlaha caafimaadka iyo gargaarka kale ee naf badbaadinta ay yihiin kuwo si aad u ballaadhan oo deg deg ah  loogu baahan yahay.
Weriyaha BBC ee dhinaca arrimaha caalamka, Wike Wooldridge ayaa warkan ka diyaariyay.
Hay’adda qaxootiga ayaa sheegtay in si gaar ah ay uga walwal qabto wax ay ugu yeertay heer nafaqa-darro aan horay loo arag oo ka dhex jirta qaxootiga Soomaalida ee gaaraya Kenya iyo Ethiopia labadaba, taasoo waliba caruurtu ay ugu sii daran tahay.

Xamdi Cabdullaahi Cumar, oo ka tirsan UNHCR, ayaa Kati Isse u waramay.

Qaxooti SoomaaliyeedQaxooti Soomaaliyeed

Waxaa ay sheegtay in ka badan konton boqolkiiba caruurta Soomaalida ee tagaya Ethiopia in ay si daran u nafaqo daran yihiin.
Kenya gudaheeda ayaa sidaas oo kale walwal leh oo sodon ilaa afartan boqolkiiba ay nafaqo daran yihiin, waxaana sii kordhaya wararka ay hay’addu ka helayso caruurta shanta sano da’doodu ka hoosayso ee u dhimanaya gaajada iyo taagdaridda inta ay ku soo jiraan safarada isla maalinta ay soo gaaraan inkastoo daryeel caafimaad oo degdeg ah uu ka jiro xeryaha qaxootiga.
Mr Gueterres ayaa sheegay in ay tahay dhibaatadii bini’aadaminimo ee ugu xumayd dunida oo sii gaaraysa masiibo bini’aadaminimo oo aan la qiyaasi karin.
Diyaarad kuwa samafalka ah oo Qaramada Midoobay u kiraysnayd UNHCR ayaa u duushay Addis Ababa maanta, iyadoo kolonyo ilaa labaatan baabuur oo waawayn ah oo sida teendhooyin iyo gargaar kale ay ku sii jeedaan sidoo akle.
UNHCR ayaa dhowaan furtay xero sadexaad oo laga sameeyao koonfurta bari ee Ethiopia, waxaana ay hadda qorshaynaysaa xeryo kale oo qaxooti.
Hay’adda ayaa qiyaasaysa in afar meelood meel dadwaynaha Soomaaliya oo ilaa todoba iyo bar million lagu qiyaasay ay hadda yihiin kuwo ku barakacay gudaha dalka ama ku nool dibedaha si qaxootinimo ah, abaadhana ay uga sii dartay rabshadaha ka jirta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.