Wakiilka Somaliland U Fadhiya Dalka Maraykanka Oo Booqasho Ku Jooga Hargeysa Iyo Shirar Uu La Qaadan Doono Masuuliyiinta Dawlada.

Hargeysa, July 5,2011 (Berberanews) – Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Mr Rashiid Nuur (Gaaruf) ayaa booqasho ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa, tan iyo markii loo magacaabay xilkaas.

Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka oo fadhigiisu yahay Magaaladda Washington DC ayaa waxa madaarka Berbera ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo maamulka gobolka Saaxil oo markii dambana u soo galbiyey dhinaca Magaaladda Hargeysa.
Wakiilka oo oo hore uga mid ahaa shakhsiyaadka sida aadka uga dhex muuqda shacabka reer Somaliland ee ku nool dalka Maraykanka, gaar ahaan Magaaladda Washington ayaa Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilkan u magacaabay.
Mr Rashiid Nuur Gaaruf, oo dedaal ugu jira sidii uu dawladda dalka Maraykanka uga dhaadhicin lahaa qadiyadda ictiraaf doonta Somaliland isla-markaana kulamo la yeesha hay’adaha kala duwan ee dawlada Maraykanka ayaa la filayaa inuu mudada uu ku sugan Magaaladda Hargeysa uu kulamo la yeesho masuuliyiin ka tirsan xukumadda Somaliland oo ay ugu muhiimsan yihiin masuuliyiinta xafiiska wasaaradda arimaha dibada iyo Madaxtooyadda Somaliland si la iskula meel dhigo hanaanka cusub ee wakiilku ku waajahayo dedaalka Ictiraaf doonka ah ee wakiilka hawlahiisa ka mid ah.
Berberanews.com
Email: Info@berberanews.com