Xukuumadda Oo Ka Hadashay Shidaal La’aanta Dalka Soo Food-Saartay, Sheegtayna Inay Masuuliyadeeda Qaadayaan

Hargeysa, July 5,2011 (Berberanews) – Wasiirka Wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland Md Cabdirisaaq khaliif Axmed ayaa ka hadlay shidaal la’aanta dalka ka jirta iyo shidaalka sida sharci darada ah dalka ku soo gala.
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu sheegay in masuuliyadda shidaal la’aanta dalka ay qaadayaan guddida maamusha haamaha shidaalka Berbera oo ay iyagu si ku meel-gaadh ah u maamulaan.
Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Masuuliyadaa shidaal la’aanta anaga ayaa qaadanayna haddii TOTAL joogto haddii kaleba, horena way u dhici jireen.”
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay “Shidaalka sida tuugeysiga ah dalka ku soo galaya way dhacdaa ama haka soo gallo xeebta balaadhan 850km laga yaabo inay wax ka soo galaan, dalka Yemena laga yaabo inay wax ka soo galaan ama dalka aynu jaarka nahay ee Somaliya oo laga yaabo, marka laga reebo masuuliyadda ruqsad siinta, ilaalinta kastamada waa hawl naga dadban wasaarad ahaan, wasaaradda Maaliyadda iyo ciidanka ilaalinta xuduudaha iyo cashuuraha ayaa hawshaa u xil-saaran.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Anagu waxaanu aad ugu dedaalaa  inaanu ilaalino tayadda waxa soo galaya taas ayaana masuuliyadayada ah, cidii aanu ku ogaano waxaa dalka soo galayana aanu tallo bixin ka bixino oo hay’adaha amniga iyo wasaaradda Maaliyadda aanu ka siino, arintaasina waa arin u baahan in laga hortago, masuuliyadda dawlada ayayna ka mid inay ilaaliso.”
Md Cabdirisaaq Khilaaf Axmed waxa kale oo uu tilmaamay halka ay marayso hawsha guddida maamusha haamaha shidaalku “Madaxwaynuhu wuxuu magacaabay guddi ka kooban afar xubnood oo wasaaradda ganacsigu u tahay guddoomiye, guddidaasi waxay wadaan daraasad, hawsha fulinteedana wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ayaa gacanta ku haysa, daraasadaa wixii ka soo baxa ayaanu ku dhaqmo doonaa, waxaanuna aaminsanahay inaynu ku filanahay inaynu maamulo hantideena, haddii laga maarmi waayo oo guddidu isla-garatana meel la isla ogyahay oo guddidu joogto ayaanu tartan u samayn doonaa oo cid ku haboon ayaanu ku wareejin doonaa, laakiin anigu kalsoonida aan qabbo waxay tahay inaynu waxeena ku filanahay waxaana noo muuqatay mudadii aanu joognay in wax inoo kordha mooyaane aanay waxba inaga dhacayn.”ayuu yidhi Wasiirka ganacsiga Somaliland Md Cabdirisaaq Khilaaf Axmed.
Berberanews.com
Email: Info@berberanews.com