Madaxa Mashaariicda Horumarinta Midowga Yurub Oo Hoosta Ka Xariiqay Dib-u-dhaca Doorashooyinka Deegaanka iyo Baarlammaanka Somaliland Ee Muddo-dhaafay

Hargeysa(Berberanews)- Madaxa Arrimaha mashaariicda Horumarinta Midowga Yurub Mr. Andris Piebalg, oo
booqasho rasmi ah ku yimi Somaliland ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo
qabashada doorashooyinka deegaanka iyo Baarlammaanka[Guurtida iyo Wakiillada]
ee mudo-dhaafay.

 

 

 

Mr. Andris Piebalg oo maanta khudbad dheer  ka jeediyay fadhi wada jir ah oo ay yeesheen Mudaneyaasha labada gole ee Wakiilada
iyo Guurtida Somaliland waxa uu ugu baaqay dawladda Somaliland inay si dhakhso
ah u qabtaan doorashooyinka muddo dhaafay, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo
wax-ku-ool u noqonaysa aqoonsida dimuqraadiyadda Somaliland ka hana-qaaday.

 

 

Sidoo kale wuxuu khudbadiisa kaga hadlay dhinacyada adeegyada aasaasiga ah ee
Bulshada, horumarka dhinaca dumuqraadiyada iyo nabadgelyada Somaliland oo uu
sheegay inay kaalin mihiim ah ku lahaayeen, hadana ay ku yeelan doonaan.
Fadhigan wada jirka ah oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada
Somaliland waxa hadal dheer ka jeediyay Madaxa Horumarinta Midowga Yurub Andris
Piebalg, waxaanu kaga xog waramay iskaashiga midowga Yurub iyo Somaliland iyo
dhinacyada Siyaasada iyo horumarinta dimuqraadiyada. Waxaanu Somaliland ku
majeertay dedaaladii ay ka samaysay doorashooyinka, dimuqraadiyada iyo
nabadgelyada.).

 

 

Khudbadii uu madaxa horumarinta ee midowga Yurub ka jeediyay fadhigaasi waxay u
dhignayd sidan:-
“Waxa farxad iyo sharaf labadaba ii ah in maanta aan idin la hadlaayo.
Xaqiiqada ah in aan hortaaganahay halkan Gole la soo doortay ee Somaliland ayaa
iyaduba u ah marqaati tallaabooyinka aad u qaadeen xagga xasiloonida iyo
dimuqoraadiyadda.
Arrimo qarameed iyo goboleed
Ilaa muddo labaatan sanno ah ayey Somaliland haysatay xasiloonideeda inkastoo
ay jireen khataro waaweyn oo leh qaab argagixiso jihad-doon ah, budhcad-badeed
iyo dagaalka sokeeye ee weli ka socda koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.
Juuntii la soo dhaafay doorashadii madaxtinimada waxay keentay hogaamiyihii
mucaaridka waqtigaas, madaxweyne Silaanyo, kaas oo aan hadda uun fursad u helay
in aan la kulmo ayaa si weyn ugu guuleystay. Kii ka horeeyeyna, madaxweyne
Rayaale, wuxuu aqbalay in laga adkaaday wuxuuna awooda ku wareejiyey si habsami
leh oo nabad ah. Waxaan idinku amaanay in aad sugteen kala guurkaa hagaagsan.
Ha yeeshee, waa arrin ugub ku ah gobolkan dhibaateysan. Sidana, waa in aan loo
qaadan si dhayal ah.
Taasi waa sababta bulshada caalamka iyo gaar ahaan Midwoga Yurub u soo
dhaweynaayo kaalinta Somaliland ka gaysaneyso taabagelinta nabadda iyo maamul
wanaaga gobolka IGAD. Waana taas sababta ay muhiim u tahay in Somaliland ku
socoto jidkan ayna u ahaato tusaale gobolka IGAD. Sidaa darteed, waxaan idinku
baaqayaa in aad guulahaas ku dhistaan idinkoo qabanaya sida ugu dhaqsiyaha
badan doorashooyinkii raagay ee goleyaasha deegaanka iyo labada aqal ee
baarlamaanka. Waxaad sii xoojinaysaan aqoonsiga dimuqoraadiyeed ee Somaliland
leedahay haddii aad ka yeeshaan dib-u-dhaca doorashooyinka iyo muddo kor dhinta
wax la soo dhaafay. Ugu dambeynti, iga ogolaada in aan idin waydiyo: ka dib
dhammaan waxyaabaha aad horey u qabateen, miyaan waqtigu ku haboonayn in aad ka
fikirtaan sidii xubnaha ugu muhiimsan bulshada sida haweenka iyo dhallinyaradu
uga qaybgeli lahaayeen siyaasadda? In badan oo idinka mid ahi waabay
dhiirigeliyeen intii lagu jiray doorashooyinkii sanadkii hore. Wxaan si dhab ah
u rajaynayaa in aad fiira gaar ah, sii doontaan arrintan muhiimka ah marka aad
dib-u-eegista ku samayneysaan shuruucda doorashooyinka.
Arrimaha Maamulka
Asagoo ah kan ugu weyn ee bixiya kaalmada horumarineed ayaa Midowga Yurub wuxuu
ahaa lamaanaha joogtada ah, Somaliland ee howlaha dib-u-dhiskeeda iyo
horumarinteeda. Laga soo bilaabo 1995, waxaanu ahayn ururka deeq-bixiyaha
caalamiga ah ee joogitaan sugan ku lahaa halkan. Isku darka xaddiga kaalmadeena
hadda ka jirta Somaliland waxay qiyaas ahaan gaadhaysaa 62 milyan Yuro.
Ilaa hadda kaalmadeena Somaliland waxay ku urursanayd kaalmeynta qaybta dowliga
ah, booliiska, maxkamadaha, hay’adaha dimuqoraadiga ah, howlaha doorashooyinka
iyo ururada bulshada. Waxaan ku faraxsanahay in aan ogaado shirarkii dhawaan la
qabanaayey ee la xidhiidhay dib-u-hagaajinta shaqaalaha dowladda, garsoorka iyo
ciidanka booliiska. Ka deeq-bixiyaha ugu weyn ee mashaariicda UN ku idinku
kaalmeyneyo ee xagga maamulka waxaan si xoog leh u soo dhaweyneynaa balanqaadka
siyaasadeed ay sida cad Somaliland uga muujisay halkan. Dadaalada dowladdu ay
ku kordhinayso dakhliga gudaha iyo tallaabooyinka hordhaca ah ee uu qaaday
Hay’adda Shaqaalaha ee uu dib-u-qiimaynta ugu samaynayso shaqaalaha dowladda
waxay si cad u muujinayaan in erayadu la socdaan ficilo.
Waxaan si diiran u soo dhaweynaynaa dhisida Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa
iyo Maamul Wanaaga iyo sharciyeynta Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka. Kuwaasi
midho-dhalkii aan filaynay. Baabi’inta “guddidiyaddii nabadgelyada”, siinta
kaalin xoog leh xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee balanqaadka ah in la kordhiyo
tirada aqoonyahanno tayo leh oo ka hawl-gala qaybta sharciga waa calaamado
dheeri ah oo dhiirigelin leh. Si gaar ah, waxaan u amanayaa balanqaadkiina ah
hagaajinta maamulka maaliyada dawladda. Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale
ee caalamiga ah waxay diyaar idin la yihiin in ay gacan idinka siiyaan howshan
adage e waqtiga dheer soconaysa.
Baarlamaankani wuxuu kaalin muhiim ah ku leeyahay maamul wanaaga, kaliya ma aha
in aad dejisaan shaciyada wax lagu hagaajinaayo. Ka wakiilo dadku soo doortay,
waxaa la idinku baaqayaa in aad u hawl gashaan sidaad u noqon lahaydeen
horseedayaal iyo difaacayaal habka maamul wanaaga, daacadnimada iyo is-xisaabin
ku aadan damiirkiina iyo kuwa idin soo doortay. Tani waxay muhiim u sii tahay
xaaladda dhaqaale xumo ee ay hay’adaha dowladdu ku shaqeyaan iyagoo weliba
doonaya in ay muujiyaan awoodooda oo ay ku dheehan tahay dano ganacsi iyo
samayn kale oo awoodeed.
Muhiimada kowaad ee maamulka dal kasta u leedahay dadaalkiisa horumarineed waa
iska cadahay. Tusaale ahaan, in dhab loo dhimo saboolnimada. Dal wuxuu u baahan
yahay hay’ado ad-adag oo nadiif ah, kuwaas oo karti leh isla markaana raba in
ay caawiyaan dadka saboolka ah, inay hagaajiyaan xaaladooda nonoleed iyo inay u
helaan adeegyo bulsho, xuquuqda asaasiga a iyo nabadgelyo. Sidoo kale, hab
dhaqanka dmuqoraadiga ah wuxuu ka yeelaaa dowladda mid dadkeedu la xisaabtamo,
dhiirigeliya hufnaanta kana ilaaliya musuqmaasuqa. Si kooban, kuwaasi waxay
ogolaanayaan in uu dhexmaro dowladda iyo dadweynaha xidhiidh wax ku ool ah.
Waxaa dhiirigelin leh in la arko Somaliland oo haysa wadadii saxa ahayd ee
dhisida dhaqanka maamul wanaaga. Ha yeeshee, waxaa jira caqabado ad-adag oo
dhaqaale iyo bulsho, siiba xaddiga shaqa la’aanta sareysa ee cabsida leh.
Waxaanu doonaynaa in aan aragno Somaliland horumarkeeda dhaqaale iyo bulsho oo
ku socda si xowli ah. Bal aan idin ku tusaaleeyo aragtidayda dhowr tusaale oo
ah meelaha Midowga Yurub ka caawiya Somaliland dhinaca horumarkeeda.
Tusaalooyin xagga horumarka dhaqaale iyo bulsho
Maalgelinta Midowga Yurub ee nidaamkiina waxbarashadu waa qaybta labaad ee ugu
weyn kaalmadeena. Isku-darka dadaalkeena dartiis, heerka guud ee is-qorida
dugsiyada waxay ka kordheen 38.6% sannadkii 2006, ilaa ay gaadheen qiyaas ah
60% sannadkii 2010. Gabdhaha oo aan muhiimad gaar ah siineyno heerka isqoridu
waxay ka korodhay 31% ilaa ay gaadhay ku dhawaad 44% isla waqtigaas. Xaaladaas
oo jirta go’aanka dowladiina ee ah hirgelinta arnaamijka waxbarashada asaasiga
ah oo bilaash ah waa tallaabo amaan mudan. In kastoo Somaliland ay laba-laabtay
miisaaniyadeeda waxbarashada hadda waxaan ognahay in waxbarashada asaasiga ah
oo bilaash ay tahay isku-day adag xag maaliyadeed iyo qaab-dhismeedka maamulka.
Waxaan ku farxsanahay in aan arko in wasaaradiina waxbarashada oo ay
caawinayaan khubaro farsamo oo uu siiyey Midowga Yurub inay si adag uga
shaqaynayaan sidii xal is-wadi kara ugu heli lahaayeen arrintaas.
Horumarinta miyiga iyo arrimaha bulshada waxay ka mid ahaayeen tiirarka
dhaqaale ee kaalmadeena ku wajahan Somaliland shantii sano ugu dambaysay.
Horaantii sannadkii hore waxaan balaqaadnay in aan dib-u-soo celinayno qaybta
Kaabayaasha (infrastructure sector) haddii somalialnd fuliso qabashada
doorashooyin si nabad ah ku dhaca. Waxaanu ku taaganahay balantaas. Waxaan
dhawaan u meelaynay 19 milyan oo Yuro in lagu dayactiro laguna balaadhiyo
kaabayaasha biyaha ee dhowr magaalo oo Somaliland ka tirsan. Waxaan kale oo
kaliya ku darayaa in shuraako wax-ku-ool ah ee dhexmarta dowlada iyo qaybta
gaar ahaaneed ay muhiim u tahay inay maalgelintaas noqoto mid is-wada oo sii
jirta.
Iyadoo kaalmada kaabayaasha qaybta biyaha ay socoto, ayaa waxaan qorshaynaynaa
in aan wax badan qabano. Midowga Yurub wuxuu ka fiirsanayaa sidii uu gacan uga
gaysan lahaa daraasada iyo hindisaha dayactirka waxa loo yaqaan “Seebaadka
Berbera” (Berbera corridor). Daraasadan oo ay fulinayso IGAD waxa ku kacaysaa
3.8 milyan Yuro, waxay na siinaysaa qorshe kama dambayn ah, si loo xoojiyo isku
xidhka suuqyada koraya ee Itoobiya iyo Berbea. Qaybtan muhiimka ah ee
kaabayaasha heer gobol waxay tusaale dheerad ah u tahay in Somaliland kaalin
dhaqaalaha Geeska Afrika.
Intaas oo kaliya ma aha: Waxaanu ku dhawnahay in aan soo gebagebeyno
dib-u-eegista barnaamijkeena iskaashi ee shanta sano ee Soomaaliya oo ay ku
jirto Somaliland. Waxaan filaynaa in dhawaan go’aan laga gaadho kordhin lixaad
leh xidhmada kaalmo ee hadda socota. Waxaa lagu kordhin doona 175 milayn Yuro
barnaamijka hadda socda oo dhan 212 milayn Yuro. Waxaan filaynaa in 70%
lacagtaas dheeradka ah in loo qoondeeyo Somaliland iyo Puntland taas oo noo
saamaxaysa in aan sii wadno xoojinaanta dadaalkeena.
Iyadoo taa maanka lagu hayo, waxaan jeclahay in aan maanta ku nuux-nuuxsado in
horumarka laga gaadho xasiloonida siyaasadeed a iyo nabadgelyo ay muhiim u
tahay helitaanka kaalmo dheeraada ah ee Midowga Yurub. Waxaa soo raacaya ka dib
in dhaqaalaha horumarineed ee dheeraadka ah in lagu maalgeliyo gobolada u go’ay
sugida nabadda, dimuqraadiyada iyo xasiloonida halkaas oo duruufaha nabadgelyo
iyo dhaqan-siyaasadeedku ay yihiin kuwo wanaagsan.
Sidaa ay tahay, bal ii ogalaada in aan idhaahdo in aak ku faraxnay in xiisadii
aadka u kacsanayd ee ka dhex jirtay Somaliland iyo Puntland bilo dhow ka hor in
laga gudbay. Waxaan ku tashanaynaa balanta aad u qaadeen wada hadal iyo in
khilaafaadka lagu xaliyo si naabd ah. Iyadoo mar waliba maanka ku haysaan
wanaaga dadkiina. Iskaashi dhex mara dalalka deriska ah, wuxuu dan u yaay cid
walba. Sidaa darteedna waxaan aad u qadarinaynaa baaqyadiinii is-daba joogga
ahaa ee wada hadal iyo iskaashi ee ka soo yeedhayay labada maamul, waxaanan ku
nuux-nuuxsanaynaa rajada ah in aan aragno xidhiidh wax ku ool ah oo dhexdiina
ka hana qaada.
Gebagebo.
Mudane Guddoomiye, Marwooyn iyo Mudanayaal,
In kasta oo ay jiraan dhibaatooyin ay weli tahay in aad la tacaashaan, haddana
waxaan rumaysanahay in yididiilooyinka ay leedahay Somaliland inay aad u
wanaagsan yihiin. Ka wakiilo ahaan dadku soo doortay, waxaad kaalin ku
leedihiin sidii dadka dalkiinoo dhan rag iyo haweenba u heli lahaayeen
mustaqbal iftiimaya. Waxaan rumaysanahay balantiina ee ah in aad fulisaan
kaalintas. Sidaa awgeed waxaa wax laga mabsuudo ah in maalgelinteena ee
dhismahan cusub ee qolka shirarka oo ay weheliyaan tababaro iyo kaalmo
awood-dhisidba ay tahay lacag si wanaagsan loo isticmaalay. Waxaan ku
kalsoonahay in aad u tixgelindoontaan kaalmadeena sidii dhiirigelin oo kale si
aad u fulisaaan waajibaadka ay idinku aamineen kuwa idin soo doortay oo ah in
aad metashaan muwaadiniintiina, oo si quman oo xil-kasnimo ku jirto uga doodaan
arrimaha muhiimka ah, in aad sharci dejisaan kulana xisaabtantaan dowladda
Waxaan idinkaga mahadcelinayaa soo dhoweynta diiran waxaanan rajaynayaa in aan
sii wadno dadaalada aan idin la hayno si loo sii balaadhiyo horumarka
Somaliland ee dhaqaale, bulsho, siyaasad iyo dimuqoraadiyadba.
Dhinaca kale wefdigaa oo qasiga Madaxtooyada kulan gaara kula yeeshay
Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaana qoraal
kulankaa ka dib saxaafada loogu tala galay oo uu ku saxeexnaa afhayeenka
madaxtooyadu u qornaa sidan;- Madaxweynaha Somaliland waxa uu Maanta qasriga
Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka socda EU-da, oo uu hogaaminaayey
Andris piebalgs oo ah Commissioner for Development EU-da.
Waxa uu madaxwaynuhu uga waramay Xaalada Guud ee Somaliland ee dhinacyada
Nabad-gelyada, Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Dhaqaalaha.
Waxa kale oo uu madaxwaynuhu Weftiga warbixin ka siiyey xaalada dalku halka ay
marayso mudadii koobnayd ee ay Xukuumadani xilka haysay iyo waxyaalaha u
qorshaysan hada.
Madaxa Weftiga Andris piebalgs ayaa isaguna waxa uu madaxwaynaha si wayn ugu
hambalyeeyey sida diiran ee uu u soo dhaweeyey Madaxweynuhu iyo sida ay u soo
dhaweeyeen dadweynaha reer Somaliland oo uu aad uga mahad sheegtay Mr Andrin.
weftigu waxa uu somaliland ku dhiirigeliyey Dadaalka ay ugu jirto inay Horu-mar
ka gaadho Dhismaha Dawladnimada & Hanaanka Dumuquraadiyada, waxaanu sheegay
in ay EU-du diyaar u tahay in ay Somaliland ka caawiso Dhismaha Wadooyinka,
Dekeda Berbera iyo Mashaariicda Biyaha oo ay gacan weynka gaysan doonaan si
dadku u helo biyo ku filan iyo in ay kor u qaadidoonan dedaalkooda la xidhiidha
dhaqaalaha ay Somaliland ugu talo galeen inay ku caawiyaan taas oo uu sheegay
Andrin piebalgs in ay sidii ay horeba u balan qaadeen ay kaga dhabayn donaan
balan qaadkooda.
Gebegebadii kulankan waxa ay weftigu madaxwaynaha u sheegeen in ay aad ugu
Faraxsan yihiin isla markaana ay ka mabsuudeen Qodobadii lagaga wada hadlay
kulanka
Dhankoodana ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl-gelidoonan soona maridonaan
dhamaan meelaha ay doonayaan in ay wax ka qabtaan, mudada yar ee ay Somaliland
ku joogaan Booqashada kooban.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

 

 

 

 

Berberanews.com

 

Hargeysa, Somaliland

 

Eemail, info@berberanews.com