Xukuummadda Somaliland Oo Hawadeeda Ka Mamnuucday Diyaaradda Djibouti Air Ka Dib Markii Laba Hablood Ugu Neef-qabatoobeen Oxygen La’aan

Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa hawadeeda ka mamnuucday diyaaradda Djibouti Air ee
laga leeyahay dalka Djibouti, ka dib markii laba hablood oo ka mid ahaa rakaab
diyaaradani keentay dalku dirqi kaga baxeen markii neeftu qabatay ee ay Oxygen waayeen.

 

 

 

 

 

Wasiirka Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay
xafiiskiisa, ayaa ku dhawaaqay go’aanka uu ku joojiyay duullimaadyadii
diyaaradu ugu kala gooshi jirtay Somaliland iyo Djibouti, ka dib markii dad
badan oo rakaab ahi hallis ku galleen markii ay waayeen Oxygen iyo qaboojiye.

 

 

 

 

 

Wasiir Maxamuud waxa uu sheegay inaanay gebi ahaanba
la noqon liisankii diyaaraddu kaga shaqaynaysay madaaradda Somaliland, balse uu
muddo todobaad ah u qabtay dawladda Djibouti inay ku soo bedelaan diyaaradan oo
keensadaan mid kale oo qallabkeedu u dhammaystiranyahay.

 

“Waxaannu goosanay in Diyaarada Djabuuti Air ee wakhtigan joogta Madaarka Hargeysa aanu
Mamnuucno ama joojino in dib danbe aanay Isaga gooshin Madaarada Hargeysa iyo
Djabuuti, waliba iyada oo dad rakaab ah sida. wakhtigan waxay diyaaradu fadhidaa
madaarka Hargeysa, marka ay noqonayso hal qof ma qaadayso, laakiin annagu rusqadii
kalamaanu noqon Djabuuti Air ee waxaanu leenahay muddo saddex todobaad ah ku
soo badasha diyaaradaas, oo ay keenaan mid Wanagsan oo aanu iska hubino oo
Engneradaydu iska ”,.Ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirku.

 

Wasiirku waxa uu tilmaamay inuu diyaaradda Djibouti
raaciyay Ingineer soo hubiyay cabashoooyinka iyo dhibaatada dadka rakaabka ah
ka haysata ee ay u soo gudbiyeen, ka dibna isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu
yidhi, “ Eng. Maxamed Cabdi Caamir  ayaanu racinay diyaaradda  si uu u soo ogaado
dhibta jirta ee rakabku ka cabanayaan, waayo dee masuuliyada dadka dhoofaya
waxa leh Somaliland,  sidaasi daradeed markii uu racay waxay nimanka wada diyaaradu ku yidhadeen marka ay 15 Daqiiqo
socoto ayey Qaboojiyayal yeelataa basle way yeelan wayday.”

 

 

 

Berberanews.com

Hargeysaa, Somaliland

Email, info@berberanews.com