Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Iyo Marwadiisa Oo Si Gaar Ah Ugu Ambo-baxay Wanqasha Madax-banaanida Koonfurta Suudaan

Berbera, July 7,2011 (Berberanews) – Madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaal;e Kaahin ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Berbera.
Madaxwaynihii hore ee Somaliland oo ay weheliso xaaskiisa Marwo Huda Barkhad Aaden ayaa waxa ay madaarka Berbera ka sii raaceen diyaaradda African Airways, taas oo ay ku tagi doonaan Magaaladda Kampalla ee dalka Ugandha, iyagga oo halkaana ka sii raaci doona diyaarad kale oo geysa Magaaladda Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan.
Madaxwaynaha oo aanay raacin xubnaha xisbiga UDUB ee uu guddoomiyaha u yahay ayaa waxa uu ka qayb-gali doonaa munaasibada loogu wanqalayo madax-banaanida dalka cusub ee Koonfurta Suudaan ee dhawaan ka go’ay dal-waynaha Suudaan.
Tagi-taanka Madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka dambeeyay casuumad rasmi ah oo uu ka helay Madaxwaynaha dalka Koonfurta Suudaan Mr Salva Kiir.
Madaxwaynihii hore ee Somaliland ayaa marka uu tago Magaaladda Jubba waxa uu dhankiisa ka bilaabi doonaa dedaalka dublomaasiyadeed ee weftiyadda Somaliland ay ka dhex bilaabayaan madaxda Afrika ee munaasibadda ka soo qayb-galaya.
Berberanews.com
Email: Info@berberanews.com