Ciidanka Booliska Sheekh Oo Niman Oromo Ah U Qabtay Gabadh ay Xadeen, Af-duubka UbadkaYar Yar Oo Somaliland Ku Soo Badanaya iyo Shakiga Hay’ado Ku Shaqaysta Mashruucan Oo Dhawaan Dalka Soo Degay

Saaxil-(Berberanews)- Ciidammada booliska degmada buuralayda Sheekh oo ka tirsan gobolka Saaxil, ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo ka soo jeeda qoomiyadda Oromada oo degta dalka Eithiopia, kuwaasoo qafaashay gabadh yar oo ka mid ah deegaanka Sheekh.
Gabadhan oo magaceedy yahay Samsam Cabdirisaaq Maxamed, da’deedana lagu sheegay 7 jir waxa la waayay habeenkii khammiistu soo gelaysay ee todobaadkan, xilligaas oo ay u kaadi tagtay meel bannaan ah oo ka danbaysa gurigooda.

Maxamed Xuseen Xasan oo ka mida qoyska gabadhu ka soo jeedo, ayaa shebekadda Berberanews u xaqiijiyay dhacdan, isagoo xusay in markii ay gabadhan waayeen ay baadi-goob uu booliska iyo dadweyne kale kala qaybqaateen ku raadiyeen gabadhan oo markii danbe laga helay mid ka mid ah beeraha ku yaalla dooxa deegaanka Sheekh oo ay ka shaqeeyaan laba nin oo oromo ah, kuwaasoo la aqoonsaday inay iyagu af-duubeen.
Waxaana lagu guuleystay in gacanta lagu  dhigo labadaa nin ee u dhashay dalka Ethiopia ee falkaa arxan darada ah kula kacay gabadhaa yar oo la sheegay in maryaheeda lagu arkay matag, kaasoo ka dhashay markii ay afduubayeen oo ay cunaha qabteen.
 
Labada nine e Oromada ah, ayaa haatan ku jira saldhiga booliska ee Degmada Sheekh, halkaasoo maalmaha fooda innagu soo haya maxkamada la horgeyn doono si dembiga ay galleen sharciga loo horgeeyo.
 
Falalka xattooyada lagula kacayo carruurta yar yar, ayaa sannadkii u danbeeyay ku soo badana magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, kuwaasoo ay ka danbeeyaan dad shisheeye u badan oo  siyaabo kala duwan doonaya inay u adeegsadaan.
 
 
Sidoo kale, arrintani waxay si buuxda u sammaysay dalka xilli magaallooyinka iyo hareeraha jidadka waaweyn lagu arkay boodhadh waaweyn oo ay ku xardhanyihiin hal-ku-dhigyo ka dhan ka-ganacsiga aadamaha iyo xattooyadda ubadka oo markii u horraysay ay dalka yimaadeen hay’ado ka shaqeeya mashaariicdan. Haseyeeshee waxa soo if-baxa tuhunno ka dhan ah hay’adahan bilihii u danbeeyay dhaqdhaqaaqyadooda laga dareemayo dalka, kuwaasoo marka loo fiirsado xilliga ay dalka yimaaden iyo bilowga caruurta la xadayo ay isku mid yihiin.
 
 
Xukuumadda Somaliland, ayaan iyadu mar qudha ka hadal khatarta ka dhalan karta dhacdooyinka lagula kacayo ubadka yar yar ee mustaqbalkoodu hallista ku suganyahay
 
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com