Dawladda Maraykanka Oo Djibouti Ka Hirgelisay Qalab Lagula Soconayo Dhaqdhaqaaqyada Nuclearka Geeska Africa

Djibouti-(Berberanews)- Dawladda Maraykanka, ayaa markii u horraysay ka hirgelisay dalka Djibouti qalab lagu baadhi doono maraakiibta ganacsiga iyo kaarkooga ee mara xeebaha Bariga Africa si looga hubiyo inay sidaan Nuclear iyo qalabka suntan ah ee sida sharci darada ah baddaha loogu shubo.

Qalabkan oo lagu xidhay marsada dalka Djibouti iyo kastamada laga galo  islamarkaana ay hirgelisay waaxda Nabadgelyada Nuclearka ee Maraykanka (NNSA) waxa uu awood u leeyahay inuu sheego Nuclearka khatarta ah  iyo agabka kale ee ku jira koontiinarada baddeecaduhu ku jiraan ee saaran maraakiibta ganacsi, kaasoo qaylo-dhaan ogaysiis ah bixinaya marka uu dareemmo Nuclear iyo waxyaabaha la xidhiidha.
 
“Annagoo kaashanaynayna dhigayaga dekedda Djibouti si aanu xoogga u saarno, una sii wadno ballanqaadkayagii ahaa inaanu wax ka qabano oo joojino isu-gudbinta nuclearka sharci darada ah iyo waxyaabaha kale ee shucaaca bixiya wasxaannu kordhinay awooda Nuclearka oo si taxadir leh looga hubinayo maraakiibta ganacsiga Africa, taasoo annaga nagu sii dhawaynaysa fulinta mid ka mid ah qorsheyaasha Nuclearka Madaxweyne Obama.” Sidaa waxa yidhi Ku-xigeenka Waaxda dicaafa Nuclearka Maraykanka Anne Harrington oo ka hadlay munaasibad arbacadii shalay loo sammeeyay hirgelinta agabkan oo lagu qabtay marsada Djibouti.
 
Munaasibadda shalay loo sammeeya dhammaystirka qalabkan lagula socon doono dhaqdhaqaaqyada Nuclearka Africa waxa uu dhammaystir u yahay muddo laba sanno ah oo dhismaha qalabkan iyo hirgelintiisu ka socotay dekedda Djibouti oo la bilaabay sannadkii 2009.
 
Hirgelinta mashruucan, ayaa la sheegay inuu ka danbeeyo cabsi Maraykanka kaga soo waajahan kooxaha xag-jirka ah ee ka dagaallamaya dalalka aan xasiloonayn ee qaaradda Africa inay si sahlan ku helaan oo uu u gacan-galo hubka khatarta ah ee Nuclearka iyo inaanu faafin.
 
 
Berberanews.com, Djibouti
Email, info@berberanews.com