Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Caawa Ka Degay Madaarka Juba

Juba- (Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti culus oo uu hoggaaminayo, ayaa caawa Maqribkii ka degay magaalada Juba ee Caasimadda koonfurta Sudan.
Madaxweynaha iyo Weftigiisa, waxa si diirran ugu qaabbilay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Juba, Masuuliyiin ka tirsan dawladda Koonfurta Sudan oo uu horkacayey, Wasiirka arrimaha dibadda ee dawladdaasi. Waxaanay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa uga mahadceliyeen sida ay u ajiibeen marti-qaadkii ay u fidiyeen.

Madaxweynaha Somaliland, oo Warbaahinta kula hadlay Madaarka Juba, ayaa si weyn ugu mahadceliyey Masuuliyiinta dawladda Koonfurta Sudan ee sida diirran ugu soo dhaweeyey dalkooda. Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, waxa uu sheegay in Xafladda gooni-isu-taagga Koonfurta Sudan ee ay ka qaybgalayaan 9-ka bisha ee maanta inay muhiimad weyn u leedahay qaddiyiadda aqoonsiga Somaliland, haddii sida ay tahay looga faa’iidaysto muddada Weftiga uu hoggaaminayaa joogaan Juba oo madax badan oo dunida ka socdaa isugu imanayaan.

Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo, ka codsaday 16 Suxufi oo Weftigiisa ka mid ahaa oo ka kala socda qaybaha Warbaahinta dalka inay si weyn uga qaybqaataan iib-geynta qaddiyadda dalka Somaliland, maaddaama oo Saxaafadda tahay ta mar walba u taagan horumarinta iyo fogeynta magaca Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa Weftiga Madaxweynaha Somaliland hoggaaminayo ka mid ahaa Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Baarlamanka, Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Suxufiyiin iyo Masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaanu Weftigu shalay ka ambabaxay magaalada Hargeysa badhkii, waxaanu Madaxweynaha Somaliland kaga sii darsamay garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa oo uu habeen hore ku sugnaa.
 
Dhinaca kale Weftigii uu hogaaminaayey Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamed Siilanyo waxa ay gaadheen Wadanka Cusub ee 09/07/2011 ku soo biiraya Wadamada Dunida gaar ahaan Afrika, halkaasi oo uu ku qaabilay madaxweynaha Koonfurta Suudaan ( South Sudan) iyada oo uu Casho Sharaf ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyada South Sudan in ka badan Afar Madaxweyne oo kala ahaa Madaxweynaha Eretria, Madaxweynaha Simbawi, Madaxa Qaramada Mr. Ban-kin-moon iyo Madaxweynaha Somaliland,
 
Waxaana Weftiga la dejiyey Huteel gaar ah oo loo soo diyaariyey oo ku yaalla gudaha Caasimadda Koonfurta Sudan ee Juba, waxaanay Subaxnimada maanta ka qaybgali doonaan Xafladda dabbaal-degga iyo ku dhawaaqidda dawladda Koonfurta Sudan oo ka madax-bannaan dalkii Afrika ugu weynaa ee Sudan oo ahaa dalka 16-aad ee dunida.